Monday, August 10, 2026
Waxaa Maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP 086 oo deegaan doorashadiisu u aheyd magaalada Baledweyne, hayeshee guddiga kumeel gaarka ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Golaha Shacabka ay sheegeen in si ku meel gaar ah loogu wareejiyay Muqdisho. Doorashada kursigaan ayaa waxaa isku soo sharaxay laba Musharax...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in saaka weerar lagu soo qaaday ciidamada millateriga ee ku sugan magaalada Laascaanood. Qoraal lagu baahiyay boga Facebook ee Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland ayaa lagu sheegay in kooxo ay ku tilmaantay nabadiid iyo argagixiso ay weerar kusoo qaadeen ciidamada millateriga. "Kooxaha nabad diidka iyo argagixisadii is huwanaa...
Puntland ayaa sheegtay dagaalada ka socda magaalada Laascaanood inay ku geeriyoodeen dad gaaraya illaa 200 oo qof, ayna ku dhaawacmen in ka badan 500 oo qof. Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo qoraal soo saartay ayaa ku eedeysay ciidamada Somaliland inay gumaad iyo xasuuq ku hayaan shacabka Laascaanood. Wasaaraddu waxay Somaliland ugu...
Banaaanbaxaan ka dhacay magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa ahaa mid looga soo horjeeeday dagaalka iyo duqeymaha ka socda magaalada Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka, kaasoo galay Todobaadkii sadaxaad oo xiriir, islamarkaana sababay dhimashada 96 ruux iyo dhaawaca 560 qof. Dibadbaxayaasha oo watay Calanka Soomaaliya...
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa codkeeda ka dhiibatay afti laga qaadayay dalalka xubnaha ka ah Golaha Qaramada oo ku aadaneyd in dowladda Ruushka ciidamadeeda kala baxdo dalka Ukraine. Qaraarkaan ayaa dalalka xubnaha ka ah Golaha Qaramada Midoobay ayaa waxay ku kala codeynayeen Haa iyo Maya si loo ansixiyo, halka kuwa qaarna...
Waxaa Todobaadkii sadaxaad oo xiriir ah galay dagaalka iyo duqeymaha ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kasoo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka reer Laascaanood. Dagaalka iyo duqeymaha ka socda Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa la xaqiijiyay iney ku geeriyoodeen 96...
Iyadoo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay shacabka Soomaaliyeed ay la daalaan dhacayeen xaalado nololeed oo is biirsaday oo ka dhashay roobabkii Guga iyo Deyrta aanan ka da'in gudaha Soomaaliya xiliyadii la filanaayay, ayaa hadana waxaa soo baxaya warar ay shaacisay saadaasha Cimilada IGAD in dalal ay Soomaaliya ku jirto...
Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa Warbaahinta magaalada Muqdisho u soo bandhigay Shabakad ay sheegeen iney ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab oo laga soo qabtay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku howlana diyaarinta gaadiid qaraxyo ah oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacab Soomaaliyeed. Kooxdaan Shabaab ka ah ee lasoo...
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in ciidamada xoogga dalka, kuwa Daraawiishta maamulka Galmudug iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya howlgalo ay ka sameyeen deegaanka Faarax Aadan ee gobolka Mudug in lagu dilay 30 xubnood oo ka mid ah kooxda Al-shabaab. Howlgalka ayaa la sheegay inuu...
Wasiiru dowlihii wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya, xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) ayaa iska casilay xilkiisa sida uu ku sheegay qoraal. Wasiiru dowlaha ayaa iscasilaadiisa sabab uga dhigay, ka dib markii uu sheegay in wasiirka duulista hawadu ay ku tagrifal awoodeed ku hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed. Qoraal uu isku...