ATMIS oo wax laga xumaado ku tilmaantay Diyaarad Helicopter oo ku burburtay Balidoogle

0
569

Wararka Ka Imaanaya Taliska Ciidamada ATMIS ayaa waxaa lagu Soo Waramayaa in ay Sheegeen in ay Aad uga Xunyiyihiin Dhacdadii Diyaarad ku Burburtey Garoonka Balidoogle ee Gobolka Baay iyadoo Waxyeelo kasoo gaartey Qaar kamid ah Ciidamada Danab ee Dawladda Federalka Soomaaliya.

Lama Sheegin Waxyaabaha Sababey Shilkaan Diyaaradeed ee kusoo beegmay Xilli Ciidamada Atmis ay ku Dhawaaqeen in ay Ciidamada Dawladda Federalka ku Garab taaganyihiin La Dagaalanka Alshabaab oo Meelo badan oo dalka ah dagaal uga Furanyahey in Dhawaalaba.

Wixii Kusoo kordha Arimahan wararkeena Danbe ayaan idiinku Soo gudbin Doonaa insha allaah haddii ay Noo suuro gasho in aan warar Dheeraad ah ka helno Taliska iyo Saraakiisha Ciidamada Midawga africa ee ATMIS.