Ku Dhawaad 20 Sano Hawl-gal Ciidan ah oo Ugaanda Sheegtay in ay Ciidamadeeda Soomaaliya Kala Baxayso.

0
7

Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in dalkiisu bilaabay la bixista ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay qayb ka ahaayeen hawlgallada amniga dalka. Kainerugaba ayaa arrintan ku shaaciyey qoraal uu Khamiistii, ku baahiyey bartiisa X, isaga oo sheegay in masuuliyadda amniga lagu wareejinayo ciidamada Soomaaliya.

“Sidii aannu hore u ballanqaadnay, waxa aannu bilownay la bixista ciidamada Uganda ee Soomaaliya. Kaddib 20 sano oo dhiig badani daatay iyo naf-hurnimo weyn, waxa aannu masuuliyadda amniga ku wareejinaynaa walaalaheenna Soomaaliyeed,” ayuu qoray Kainerugaba.

Hase yeeshee, qoraalkiisa kuma uu faahfaahin tirada ciidamada la saarayo, muddada ay qaadanayso ka-qaadistoodu ama goobaha ay hawshu ka bilaabantay.

Uganda ayaa ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyey ee ciidamo u soo dira Soomaaliya sannadkii 2007-dii, xilligii hawlgalkii Midowga Afrika ee AMISOM. Ciidamadeedu waxay qayb ka ahaayeen dagaallada lagula jiro kooxda Al-Shabaab, ilaalinta xarumaha muhiimka ah iyo taageerada dowladda federaalka, iyaga oo sii joogay dalka intii lagu jiray hawlgalladii ATMIS iyo AUSSOM oo beddelay hawlgalladii ka horreeyey.

Maalmihii u dambeeyey, warbaahinta Uganda ayaa sheegaysay in ciidamada dalkaasi la qorsheeyey in laga saaro qaybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan Baraawe, Buulo Mareer, Qoryooley iyo Janaale.

Qaadista ciidamada Uganda ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa xilli hawlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya (AUSSOM) uu wajahayo caqabado dhaqaale. Maraykanka ayaa sheegay inuu joojinayo taageerada saadka ee Qaramada Midoobay u fidiso hawlgalka dhammaadka 2026, taas oo saamayn karta sahayda shidaalka, cuntada, gaadiidka iyo adeegyada caafimaad ee ciidamada. Inkasta oo la helay ballanqaadyo dhaqaale oo ka yimid dalal iyo hay’ado kala duwan, haddana weli waxa taagan walaac ku saabsan sidii loo heli lahaa maalgelin waarta.

Dhanka kale, Soomaaliya ayaa weli wajahaysa caqabado amni, iyadoo kooxda Al-Shabaab ay awood u leedahay inay weerarro ka fuliso qaybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha dalka. Sidaas darteed, wareejinta goobaha ay ciidamada Uganda maamulaan waxay u baahan tahay qorshe cad oo lagu xoojinayo ciidamada Soomaaliya, laguna xaqiijinayo in aanay dhicin firaaq amni oo kooxdu ka faa’iidaysato. Kainerugaba ayaa hore u sheegay in Uganda ay doonayso inay ciidamadeeda oo dhan kala baxdo Soomaaliya ugu dambayn 1-da Agoosto 2027, inkasta oo aan weli si buuxda loo shaacin faahfaahinta fulinta qorshahaas.