Safiirka Israa’iil u qaabilsanaan doona Somaliland, Michael Lotem, ayaa soo gaadhay magaalada Hargeysa, halkaas oo la filayo inuu waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyo madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isla markaana uu ka qayb galo munaasibad lagu dhagax-dhigayo dhismaha safaaradda Israa’iil ee Hargaysa.
Wargeyska The Times of Israel ayaa warbixin uu qoray Jimcihii ku sheegay in safiirka Israa’iil uu Hargeysa yimid xilli ay jiraan isbeddello siyaasadeed oo ka socda Israa’iil iyo cadaadis diblomaasiyadeed oo ay dalal gobolka ahi kaga soo horjeedaan xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil. Warbixintu waxay xustay in warbaahinta Qaran News ay 30-kii Oktoobar baahisay imaanshaha safiirka, halka jadwalka madaxtooyada Somaliland isna lagu xusay munaasibadda guddoomista waraaqaha aqoonsiga.
Lotem ayaa xilka safiirnimo loo magacaabay bishii Abriil ee sannadkan, kaddib markii Israa’iil ay bishii Diseembar 2025 ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland. Imaanshihiisa Hargeysa ayaa noqonaya tallaabo ka mid ah hirgelinta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dhinac, kaas oo hadda u gudbaya heer safaaradeed.
Warbixinta The Times of Israel waxay tilmaantay in safaarad rasmi ahi Somaliland siin karto xarun diblomaasiyadeed oo joogto ah, isla markaana fududayn karto wada-shaqaynta labada dhinac. Hase yeeshee, wargeysku wuxuu xusay in aanay weli jirin faahfaahin rasmi ah oo dhammaystiran oo ku saabsan xubnaha weftiga safiirka la socda iyo heshiisyo amni oo la sheegay inay booqashadu la xidhiidho.
Imaanshaha safiirka ayaa ku soo beegmaya xilli doorashadii Israa’iil ee 27-kii Oktoobar aanay dhinacyada siyaasadeed ee waaweyni ka helin aqlabiyad ay ku dhistaan xukuumad. Sida ay warbixintu sheegtay, natiijooyinkii la shaaciyey 30-kii Oktoobar waxay muujinayeen in garabka Benjamin Netanyahu helay 53 kursi, mucaaradku 48 kursi, halka xisbiyada Carabta hoggaamiyaan ay heleen 19 kursi. Wargeysku wuxuu booqashada safiirka ku tilmaamay mid muujinaysa sii socoshada xidhiidhka labada dhinac, inkasta oo aanay caddayn siyaasadda ay xukuumadda cusub ee Israa’iil qaadan doonto.
Dhinaca kale, xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil ayaa wajahaya diidmo uga imanaysa qaar ka mid ah dalalka gobolka. Warbixintu waxay xustay bayaankii El-Alamein ee 4-tii Oktoobar, kaas oo ay si wadajir ah u soo saareen Masar, Eriteriya, Soomaaliya iyo Suudaan, iyaga oo ka soo horjeestay aqoonsiga Somaliland, isla markaana sheegay in maamulka Badda Cas uu masuuliyad gaar ah u yahay dalalka xeebaha leh.
Sidoo kale, warbixintu waxay tilmaantay in Shiinaha iyo Jabuuti ay dabayaaqadii Oktoobar muujiyeen mowqif ka dhan ah aqoonsiga Somaliland iyo xidhiidhka ay la leedahay Taiwan. Si kastaba ha ahaatee, imaanshaha safiirka Israa’iil ayaa muujinaya in xidhiidhka Hargeysa iyo Tel Aviv uu sii socdo, inkasta oo ay jiraan diidmooyin dibadeed.
Dhanka amniga, warbixintu waxay xustay in wasiirka gaashaandhigga Somaliland uu bishii Juun Reuters u sheegay in Israa’iil tababar siinayso ciidamada booliska iyo kuwa milatariga Somaliland, balse uu xilligaas beeniyey in wada-hadallo ku saabsan saldhig milatari oo Israa’iil laga siiyo Somaliland ay socdaan. Wargeysku wuxuu intaas ku daray in labada dhinac ay dano ka leeyihiin amniga badda, xasilloonida gobolka iyo ilaalinta isu-socodka ganacsiga ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Warbixinta The Times of Israel ayaa sidoo kale ka digtay in iskaashiga amni ee labada dhinac uu Somaliland u yeelan karo fursado istaraatiiji ah, balse uu sidoo kale kordhin karo cadaadiska iyo falcelinta dalalka gobolka qaarkood. Ilaa hadda, faahfaahinta rasmiga ah ee natiijada booqashada safiirka iyo heshiisyo cusub oo ay labada dhinac gaadheen si buuxda looma shaacin.













