Soomaaliya ayaa wada dadaallo lagu casriyeynayo nidaamka aqoonsiga iyo baasaboorka qaranka, iyadoo la filayo in baasaboorka cusub uu wax ka beddelo caqabadaha muddada dheer haystay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee safarrada caalamiga ah.
Mid ka mid ah su’aalaha ugu waaweyn ee taagan ayaa ah in baasaboorka cusub ee Soomaaliya uu muwaadiniinta u suuragelin doono inay dalalka ku bahoobay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ku galaan dal ku gal la’aan.
Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqotay ururka bishii Diseembar 2023, kaddib markii ay buuxisay shuruudihii xubinnimada, iyadoo noqotay waddankii siddeedaad ee ku biira ururka.
Hase yeeshee, xubinnimada ururka keligeed macnaheedu ma aha in muwaadiniintu si toos ah uga faa’iideysanayaan dhammaan xuquuqda isu socodka xorta ah, maadaama ay jiraan heshiisyo, xeerar iyo habraacyo ay tahay in waddamada xubnaha ahi ansixiyaan oo dhaqan geliyaan.
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Xuseen Iidow, oo arrintan wax laga weydiiyey, ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhammaystirtay qayb badan oo ka mid ah habraacyada looga baahan yahay, balse ay jiraan kuwo kale oo weli dhiman.
Waxa uu tilmaamay in isu socodka Soomaaliya iyo dalalka Bariga Afrika uu hadda wanaagsan yahay, isla markaana uu sii wanaagsanaan doono marka la dhaqan geliyo habraacyada iyo nidaamka baasaboorka cusub.
Dhanka kale, waxaa dowladda Federaalka iyo Baarlamaanka horyaalla dhammaystirka xeerarka iyo habraacyada sharci ee lagama maarmaanka u ah fududeynta isu socodka muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo kuwa dalalka kale ee ururka.
Baasaboorka cusub oo la filayo inuu soo baxo dhammaadka sannadkan ayaa la rajeynayaa inuu wax ka beddelo xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee muddada dheer la kulmayay caqabado dhanka socdaalka, gaar ahaan helitaanka dal-ku-galka iyo hubinta dukumentiyada aqoonsiga.
Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii, baasaboorka Soomaaliyeed ayaa wajahaya caqabado la xiriira kalsoonida iyo aqoonsiga caalamiga ah.





