Dawladda Dalka Sudan oo Maamulka Puntland ku Dartay Liiska Meelaha Laga Qoro Ciidamada RSF.

0
8

Saraakiil ka tirsan Dowladda Sudan ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay inay dagaalka Sudan u dirto calooshood-u-shaqaystayaal ka barbar dagaallama RSF

Taliyaha Ku-xigeenka Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Sudan, Sareeye Guuto Yasser al-Atta, ayaa Puntland ku eedeeyay inay ciidamo calooshood-u-shaqaystayaal ah u dirto Sudan, kuwaas oo la safan xoogagga RSF ee dagaalka kula jira ciidanka dowladda Sudan.

Al-Atta ayaa Puntland ku daray dalal iyo deegaanno kala duwan oo uu sheegay inay dagaalyahanno shisheeye u diraan Sudan. Waxa uu mas’uuliyadda arrintan dusha ka saaray Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohamed bin Zayed.

Waxa uu sheegay in dagaalyahanno laga keenay dalal ay ka mid yihiin Chad, Liibiya, Niger iyo dalalka Galbeedka Afrika, halka tobannaan kun oo kale uu sheegay inay ka yimaadeen Koonfurta Sudan. Waxa kale oo uu xusay Itoobiya, Puntland iyo Colombia.

Eedeyntan ma aha markii ugu horreysay ee Al-Atta uu Soomaaliya ku daro meelaha uu ku eedeeyo inay dagaalyahanno u diraan RSF. Bishii November 2025 ayuu sidoo kale Imaaraadka ku eedeeyay inuu dagaalyahanno ka keenay dalal ay ka mid yihiin Colombia, Ukraine, Liibiya, Chad, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Koonfurta Sudan, Niger iyo Soomaaliya.

Magaca Puntland ayaa hore ugu soo baxay warbixinno caalami ah oo la xiriira dagaalka Sudan, gaar ahaan magaalada Boosaaso.

Sannadkii 2025, Sudan ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbisay warbixin ay ku sheegtay in calooshood-u-shaqaystayaal u dhashay Colombia laga soo duuliyey Imaaraadka, la geeyay Boosaaso, kadibna loo sii gudbiyey Sudan.

Eedeymahan ayaa imanaya xilli uu xumaaday xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Bishii January 2026, Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa go’aamiyay in la baabi’iyo heshiisyadii ay Soomaaliya la lahayd Imaaraadka, kuwaas oo ay ku jireen heshiisyada dekedda Boosaaso iyo iskaashiga amniga iyo difaaca.