Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya, xilli dalka uu wajahayo caqabado dhinacyada siyaasadda, amniga, bani’aadannimada iyo horumarka ah, kaddib markii la soo gabagabeeyay hawlgalkii siyaasadeed ee UNTMIS.
Guterres ayaa sheegay in taageerada caalamiga ah ay muhiim u tahay ilaalinta horumarka ay Soomaaliya sameysay, xoojinta hay’adaha dowladda iyo horumarinta wada-hadallada siyaasadeed ee loo dhan yahay iyo dib-u-heshiisiinta qaranka.
Qoraal uu ku baahiyay bartiisa X, ayuu ku sheegay in Qaramada Midoobay aysan joojin doonin taageerada ay siiso Soomaaliya, balse ay sii mari doonto hay’adaha, sanduuqyada iyo barnaamijyada ay dalka ka waddo, iyadoo la shaqeynaysa dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xoojinta nabadda iyo xasilloonida ay ka mid yihiin arrimaha u baahan taageero joogto ah.
Guterres ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya sameysay iyo adkeysiga shacabka Soomaaliyeed, isaga oo mahadcelin u jeediyay shaqaalihii ka howlgalay UNTMIS iyo hawlgalladii Qaramada Midoobay ee ka horreeyay.
Dhammaadka UNTMIS ayaa soo afjaray marxalad ka mid ah joogitaanka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, balse hay’addu waxay sheegtay inay sii wadi doonto hawlaha taageerada ee dhinacyada nabadda, xasilloonida iyo horumarka dalka.













