Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad (MoU) oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada gaadiidka badda iyo horumarinta dekadaha.
Heshiiska ayaa dhex maray Wasaaradda Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar iyo Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ujeeddadiisu...
Iran ayaa weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn loo adeegsqday ku qaaday qaar kamid ah dalalka Khaliijka Carabta, kaddib markii Maraykanku habeenkii labaad oo xidhiidh ah duqaymo ka fuliyay gudaha Iran.
Sida ay qortay Al Jazeera, siidhiga digniinta duqaymaha ayaa laga maqlay Baxrayn, halka Wasaaradda Gaashaandhigga Kuweyt ay sheegtay...
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in heshiiskii xabbad-joojinta ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran uu "dhammaaday", isaga oo ku tilmaamay wada-hadallada Tehran "waqti lumis".
Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Maraykanku xaqiijiyay inuu qaaday weerarro uu ku tilmaamay kuwo "xooggan" oo lala beegsaday badhtilmaameedyo ku yaalla Iran, isagoo sheegay in...
Kulan ay maalmihii la soo dhaafay magaalada Garowe ku lahaayeen qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Nugaal ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad, iyadoo la isku raacay tallaabooyin lagu xoojinayo amniga iyo dadaallada lagu dejinayo xiisadda ka taagan magaalada.
Sida laga soo xigtay ka qaybgalayaasha, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray adkaynta...
Shir Lagu Hirgelinayo Dardargelinta Heshiiska Isu Socodka Dalalka IGAD oo Soomaaliya Martigelineyso.
Soomaaliya ayaa martigelisay shir heer sare ah oo looga hadlayo hirgelinta heshiiska isu socodka xorta ah ee dalalka xubnaha ka ah Urur-Goboleedka IGAD, xilli ay dowladda federaalku dadaal ugu jirto xoojinta isdhexgalka gobolka iyo fududeynta isu socodka dadka.
Shirkan oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho kana socon doona muddo saddex...
Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa Isniintii ku dhawaaqay inuu kala diray maamulkiisii rayidka ahaa ee Marinka Qasa, isaga oo sheegay inuu awoodda ku wareejinayo guddi farsamo oo ay taageerayaan Qaramada Midoobay, taas oo qayb ka ah heshiiska xabbad-joojinta ee Maraykanku dhexdhexaadiyay.
Masuul ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in shaqaalaha farsamada iyo kuwa...
Taliska Ciidamada Daraawiishta ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa beeniyay warar sheegayay in askar iyo gaadhi ciidan ay uga goosteen dhinaca Somaliland.
Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada oo ku taariikhaysan 6-da Luulyo 2026, ayaa lagu sheegay in wararka lagu baahiyay warbaahinta iyo baraha bulshada ay yihiin "warar been abuur ah"...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalka uu si tartiib ah uga guurayo nidaamkii ku salaysnaa siyaasadda shaqsiyaadka iyo awood-qaybsiga qabiilka, isla markaana uu u socdo hannaan cusub oo ku dhisan xisbiyo siyaasadeed iyo doorasho qof iyo cod ah.
Madaxweynaha oo ka hadlayey munaasabadda caleemasaarka Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka...
Puntland ayaa sheegtay in aysan jirin shirkad shisheeye, mid gaar loo leeyahay ama mid dowladeed, oo ay ku jirto shirkadda SOMTURK, in ay ka fulin karaan wax hawlgal ah sida maalgashiga kalluumeysiga, ilaalada xeebaha ama hawlo kale oo ka dhaca badda iyo dhulka Puntland, iyada oo aan oggolaansho iyo...
Turkiga ayaa ka wada bartamaha Soomaaliya dhismaha xarun loogu talagalay hawada sare iyo tijaabinta gantaallada riddada dheer, sida lagu sheegay warbixin ay Arbacadii daabacday wargeyska Faransiiska ee Le Monde.
Warbixintu waxay sheegtay in mashruucan, oo si rasmi ah loogu dhawaaqay bishii Diseembar 2025 inuu yahay iskaashi dhinaca tiknoolajiyadda ah oo...


















