Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga ayaa isku raacay in la dhaqaajiyo tallaabooyin wadajir ah oo lagu xoojinayo difaaca Sacuudiga, kaddib weerarrada ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen boqortooyada.
Go’aanka ayaa lagu dhawaaqay Isniintii, kaddib kulan degdeg ah oo magaalada Riyaad ku yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga ee saddexda dal.
Saddexda waddan ayaa isku raacay in la dhaqaajiyo heshiiska difaaca ee loo yaqaan Isbahaysiga Difaaca Maka, kaas oo la saxiixay 7-dii Agoosto. Heshiiska ayaa dhigaya in weerar lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo aqoonsan doono weerar lagu qaaday dhammaantood.
Wasiirka Gaashaandhigga Sacuudiga, Khaalid bin Salmaan, ayaa sheegay in isbahaysigu isku raacay in la dhaqaajiyo tallaabooyin wadajir ah oo looga hortagayo weerarrada iyo cid kasta oo mas’uul ka ah.
Bayaan wadajir ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in dalalka xubnaha ka ah heshiisku ay diyaarin doonaan ciidamadooda iyo awoodaha milatari, si si degdeg ah loogu diro Sacuudiga, iyadoo tallaabooyinkaasi waafaqsan yihiin shuruucda dal kasta.
Go’aanka ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, kuwaas oo taageero ka hela Sacuudiga, ay bilaabeen howlgallo ka dhan ah Xuutiyiinta oo bishii hore qabsaday dhulal muhiim ah.
Ciidamada Yemen ayaa sheegay inay dib ula wareegeen magaalada dekedda ah ee Mukhaa, isla markaana ay gacanta ku dhigeen marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Baab al-Mandab.





