Dawladda Kenya oo Xaqiijisay Hal Kiis Xanuunka Ebola Xilli uu ku Faafayo Dalalka Gobolka.

0
6

Kenya ayaa xaqiijisay dhimashadii ugu horreysay ee cudurka Ebola ee dalkaas, kaddib markii muwaadin Kenyan ah oo muddo toddoba sano ah ku noolaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DR Congo) uu cudurka ugu dhintay magaalada Nairobi.

Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Bare Ducaale, ayaa sheegay in bukaanku uu xanuunsanaa muddo ku dhow bil, isla markaana lagu daweeyay dhowr isbitaal oo ku yaalla DR Congo, ka hor inta uusan u safrin Kenya. Bukaanka ayaa Sabtidii diyaarad usoo raacay Nairobi, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada loogu sameeyay baaritaannadii caadiga ahaa.

Sida uu sheegay wasiirku, bukaanka ayaa markii dambe isbitaal loo geeyay, halkaas oo lagu arkay calaamado ay ka mid yihiin qandho, qarqaryo, daal iyo tabar-darro xooggan, xanuun marka uu wax liqayo, murqo xanuun iyo dhiig-bax maqaarka hoostiisa ah. Baaritaanno caafimaad oo lagu sameeyay ayaa xaqiijiyay inuu qabay Ebola nooca Bundibugyo.

Bukaanka ayaa geeriyooday habeenkii Isniinta, iyadoo maamulka caafimaadka Kenya uu sheegay in aasiddiisa loo marayo habraacyada badbaadada caafimaadka bulshada. Maamulka Kenya ayaa sheegay in ugu yaraan 28 qof oo ay ku jiraan xubno ka tirsan qoyska bukaanka iyo shaqaale caafimaad ah la aqoonsaday, kuwaas oo laga yaabo inay xiriir la sameeyeen bukaanka. Sidoo kale waxaa socda raadinta 23 rakaab ah iyo afar shaqaale diyaaradeed oo isla duulimaadka la saarnaa.

Kiiskan ayaa walaac cusub ka abuuraya gobolka Bariga Afrika, iyadoo cudurka Ebola uu si weyn ugu fidayo DR Congo. Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in cudurkan hadda ka dillaacay DR Congo uu sababay 4,082 dhimasho oo ka mid ah 8,463 xaaladood oo la xaqiijiyay.

Cudurka Ebola wuxuu ku fidaa taabashada dheecaannada qofka qaba cudurka, sida dhiigga ama matagga. Nooca Bundibugyo ee hadda ka dillaacay DR Congo ayaa ah nooc dhif ah, waxaana warbixintu sheegaysaa in aanay hadda jirin tallaal ama daawo si rasmi ah loogu ansixiyay noocan, inkastoo dhowr tallaal ay ku jiraan marxaladaha horumarinta iyo tijaabooyinka caafimaad.

Ururka Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) ayaa ka digay in xaaladdu kasii darayso, isaga oo sheegay in cudurku si xawli ah ugu fidayo qaybo ka mid ah bariga DR Congo. Gobolka Waqooyi Kivu, oo xuduud la leh Ituri oo uu cudurku markii hore ka bilowday, ayaa lagu soo warramayaa inuu hadda yahay mid ka mid ah meelaha ay kiisasku si weyn ugu kordhayaan.

Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Bare Ducaale, ayaa shacabka ugu baaqay inaanay argagixin, isaga oo sheegay in hay’adaha caafimaadku ay qaadeen tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee looga hortagayo faafitaanka cudurka, isla markaana shaqaalaha caafimaadka lagu amray inay si gaar ah u xoojiyaan tallaabooyinka ka hortagga caabuqa.