Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa caydhisay diblomaasi ka tirsan Safaaradda Masar ee Addis Ababa, Axmed Moharam Axmed Soliman, iyadoo ku amartay inuu dalka uga baxo muddo 48 saacadood gudahood ah.
Go’aankan ayaa lagu sheegay qoraal diblomaasiyadeed oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya soo saartay 1-dii October 2026, kaas oo si rasmi ah loogu diray Safaaradda Jamhuuriyadda Carabta ee Masar ee Addis Ababa.
Wasaaraddu waxay qoraalka ku sheegtay in tallaabadan la qaaday iyadoo la raacayo qodobbada Heshiiska Vienna ee Xidhiidhka Diblomaasiyadeed, iyadoo Safaaradda Masarna lagu wargeliyay in Axmed Moharam Axmed Soliman laga caydhiyay Itoobiya.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay inay filayso in diblomaasigan uu dalka ka baxo 48 saacadood gudahood laga bilaabo waqtiga ogeysiiska loo gudbiyay Safaaradda Masar.
Qoraalka Itoobiya laguma caddeyn xilka ama darajada diblomaasiyadeed ee uu Soliman ka hayay Safaaradda Masar ee Addis Ababa, sidoo kalena laguma sheegin sababta rasmiga ah ee keentay in dalka laga caydhiyo ama fal uu ku kacay oo tallaabadan salka ku haya.
Caydhinta diblomaasigan ayaa ku soo beegmaysa xilli xidhiidhka Itoobiya iyo Masar uu muddooyinkii u dambeeyay ahaa mid xasaasi ah, gaar ahaan khilaafka labada dal ee ku saabsan Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya (GERD) iyo saamaynta uu ku leeyahay biyaha Webiga Nile.
Labada dal ayaa sidoo kale ku kala aragti duwan arrimo la xidhiidha amniga iyo xaaladda gobolka Geeska Afrika, iyadoo khilaafka ku saabsan biyo-xidheenka Itoobiya uu weli yahay mid ka mid ah qodobada ugu waaweyn ee saameeya xidhiidhka Addis Ababa iyo Qaahira. Lakiin xaalada ayaa sii xumaatay kadib markii ay Addis Ababa ku eedaysay Qaahira in ay lug ku leedahay dagaalada ka socda gobolka Tigray.





