Sunday, August 2, 2026
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Duqa Magaalada St. Louis Park ee Gobolka Minnesota, Marwo Naadiya Maxamed, oo booqasho ku timid Soomaaliya. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka qurba-joogta Soomaaliyeed ee horumarinta dalka iyo xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Madaxtooyada, Madaxweyne...
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Talyaaniga ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga tababarka ciidamada booliska, tallaabadaas oo labada dhinac ku tilmaamay mid xoojinaysa wada shaqeynta amniga iyo horumarinta hay'adaha fulinta sharciga. Heshiiska waxaa kala saxiixday Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku shaacinayso tallaabooyin cusub oo lagu adkaynayo nidaamka warbaahinta iyo amniga, kaas oo warbaahinta aan ruqsada haysan ka mamnuucaya hawlaha warbaahineed. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, Wasaaraddu waxay sheegtay inay gudanayso waajibaadkeeda dastuuriga ah isla markaana fulinayso awoodaha uu siinayo...
Guddiga Midowga Afrika (AUC) ayaa kulan degdeg ah isugu yeeray la-taliyeyaasha militariga ee dalalka xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka (PSC), kaddib markii Mareykanku uu si rasmi ah u sheegay in uusan taageeri doonin sii socoshada Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) wixii ka dambeeya dhammaadka howlgalka...
Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa sheegay in uusan aaminsaneyn in Puntland ay ku dhawaaqi doonto go'aan goponi goosad ah, isagoo xusay in xaaladda taagan ay u baahan tahay wada-hadal siyaasadeed iyo is-afgarad. Wareysi uu bixiyay, Cumar Cabdirashiid ayuu ku sheegay in mararka qaar siyaasiyiintu ay...
Xisbiga talada Somaliland haya ee Waddani ayaa si adag uga jawaabay mowqifka xisbiga mucaaradka ah ee Kaah ee ka dhanka ah safaaradda Somaliland ee laga furay magaalada Qudus, isaga oo ku adkaystay in aqoonsiga Somaliland iyo safaaradda Qudus ay yihiin arrimo aan la kala saari karin. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Xirsi...
Warbixin ay daabacday warbaahinta Al Mayadeen ee u janjeerta  Hezbollah, Iran iyo xulafadooda  ayaa sheegtay in shixnad milatari oo Israa'iil leedahay ay soo gashay Soomaaliya iyadoo loo diiwaangeliyey inay u socoto xafiis ka tirsan Qaramada Midoobay. Sida lagu sheegay warbixinta, shixnadda oo culeyskeedu ahaa ku dhowaad 1,000 kiiloogaraam ayaa ka...
Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka jawaabay hadal uu dhawaan jeediyay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo sheegay in Biixi uu hore u sheegay in uu ictiraaf kasoo helay dalal, lakiinse aanu aqoonsi keenin, isla markaana ugu baaqay inuu taageero dadaallada lagu raadinayo aqoonsiga Somaliland,...
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay ku tumatay dastuurkii lagu heshiiyay, isla markaana ay dhaawacday nidaamka federaalka iyo hay'adihii dowladda. Khudbad uu ka jeediyay munaasabadda 1-da Luulyo ee ka dhacday Garoowe, ayuu Deni sheegay in Soomaaliya ay weli wajahdo caqabado siyaasadeed oo ka dhashay...
Wararka laga helayo deegaanka Sheebaab ee gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay duqeyn loo adeegsaday madaafiicda hoobiyaha ku burburisey ateeno isgaarsiineed oo ay lahayd shirkadda Golis. Sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah, ateenadaasi waxay ahayd xarunta ugu muhiimsan ee isku xirta isgaarsiinta deegaannada Dhasaan, Sheebaab, Dhaadaar, Gaatir Oodan,...