160 muwaadin oo Soomaaliyeed oo kasoo laabtay Yemen ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku wajahan deegaanno kala duwan oo Soomaaliya ah, oo ay kamid yihiin Puntland, Somaliland iyo Jubbaland.
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Liibaan Cabdi Cigaal, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dib loogu...
Duulimaadyadii maxalliga ahaa oo u kala gooshi jiray Muqdisho iyo Puntland ayaa saaka baaqday, kadib markii Dowladda Soomaaliya ay dhaqan gelisay shuruud dhigaysa in dadka gudaha dalka ku safraya ay haystaan kaarka aqoonsiga qaranka ee NIRA.
Diyaaradda Freedom Airlines oo saaka lahayd duulimaad ka ambabaxayay Garowe kuna sii jeeday Muqdisho...
Wasiirka Amniga Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Isaaq Maxamed Korsaar, ayaa ku dhawaaqay in magaalada Baydhabo lagu soo rogay bandow, iyadoo la xaddiday dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka wixii ka dambeeya salaadda Maqrib.
Wasiirka oo ka hadlay xaaladda amniga magaalada ayaa sheegay in go’aanka bandowga uu qeyb ka yahay tallaabooyin lagu sugayo amniga...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee Galmudug iyo Hirshabeelle tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka dimuqraadiyadda iyo horumarinta nidaamka doorashooyinka dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka ku nool gobollada Mudug, Galguduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay si nabad...
Siddeed badmaax oo u dhashay waddanka Masar, kuwaas oo tan iyo 2-dii May lagu haystay markabka M/T Eureka oo laga qafaashay xeebaha Puntland, ayaa la sii daayay, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdelatty ayaa safaaradda Masar ee Muqdisho faray inay qaabbisho badmaaxiinta, hubiso...
Shan shaqaale oo ajnabi ah ayaa lagu dilay markabka MT Honer 25, ka hor inta aysan ciidamada Ilaalada Badda ee Puntland bilaabin hawlgal ay ku soo badbaadiyeen markabka oo ay burcad-badeeddu xoog ku haysteen.
Sida ay sheegtay Puntland, shaqaalaha la dilay ayaa kala ah saddex u dhashay Pakistan, hal qof...
Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa Cabdifataax Xasan Afrax u xulatay musharraxa Hogaamiye ku-xigeenka Hirshabeelle ee muddada 2026–2031, kaddib kulan ay maanta yeesheen Guddiga Fulinta ee xisbiga, kaas oo uu shir-guddoomiyay Xoghayaha Guud ee xisbiga, Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud.
Kulanka oo looga hadlay hawlaha doorashooyinka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, ayaa Guddiga...
Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland ayaa si rasmi ah uga hortimid korodh ku yimid qiimaha roodhida oo ay dhawaan ku dhawaaqeen xubno sheegtay inay metelaan “Ururka Warshadaha roodhida” ee Somaliland.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ururkaasi aanu ka diiwaangashnayn Wasaaradda, isla markaana aanu lahayn shakhsiyad qaanuuni ah oo u oggolaanaysa inuu...
Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamo booliis ah ay hub la galeen gudaha Isbitaalka Muqdisho ee degmada Yaaqshiid, kaddib markii maamulka isbitaalka uu diiday inuu sii daayo hooyo dhowaan qalliin lagu sameeyay iyo wiilkeeda oo dhashay 10 maalmood ka hor.
Booliisku waxay sheegeen in dhacdadu ay ka dhalatay...
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa guddoomiyay kulanka 29-aad ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga gobolka iyo maalgelinta mashaariicda dhaqaale.
Kulanka oo ahaa mid hal maalin socday ayaa waxaa ka qaybgalay qaar ka mid ah wasiirrada dalalka ku bahoobay madasha, wakiillo...


















