Taiwan ayaa Somaliland ku taageertay lacag dhan hal milyan oo dollar Maraykanka ah, taas oo loogu talagalay qalabka iyo adeegyada sifaynta dhiigga, si loo caawiyo bukaannada qaba xanuunnada kelyaha.
Taageeradan ayaa qayb ka ah iskaashi dhinaca caafimaadka ah oo u dhexeeya Taiwan iyo Somaliland, iyadoo ujeeddadu tahay in la xoojiyo adeegyada caafimaad ee la siiyo dadka qaba xanuunnada kelyaha, gaar ahaan bukaannada u baahan sifaynta dhiigga ee joogtada ah.
Taiwan ayaa sheegtay in caafimaadku yahay arrin muhiima oo ka gudubta xuduudaha, iyadoo tilmaantay in taageerada ay Somaliland siinayso ay tahay mid lagu badbaadinayo nolosha bukaanno u baahan adeegyada sifaynta kalyaha.
Arrimaha la xiriira xanuunnada kelyaha iyo adeegyada sifaynta dhiigga ayaa muddooyinkii u dambeeyay Somaliland ka noqday arrin walaac badan leh. Bukaanno qaba xanuunnada kelyaha ayaa marar kala duwan cabasho ka muujiyay xaaladda adeegyada iyo baahida loo qabo in la kordhiyo xarumaha iyo qalabka caafimaad ee loogu adeegayo.
Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa lagu dhaliilay in ay ka gaabisay kor u qaadista adeegyada sifaynta dhiigga. Iyada oo kadib ceshada ka timid bukaanka la qaaday tallaaboyin wax lagaga qabanayo dhibaatadan Isbitaalada Hargeysa, Burco iyo Boorama, si bukaannadu aanay ugu khasbanaan inay masaafo dheer u safraan si ay u helaan daaweyntooda.
Dhowaan ayaa sidoo kale madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), booqday qaybta sifaynta dhiigga ee Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, iyadoo booqashadaasi ay ku soo beegantay xilli ay soo badanayeen baahida iyo cabashooyinka la xiriira adeegyada loo fidiyo bukaannada kelyaha.
Dhaqaale badan iyo qalab casri ah ayaa looga baahan yahay adeegga sifaynta, maadaama bukaanka qaba xanuunada kelyaha ay u baahanyihiin sifayn joogto ah. Sidaas darteed, taageerada Taiwan ee halka milyan ee dollar ah ayaa la filayaa inay wax ka tari karto helitaanka qalab, adeegyo iyo daryeel caafimaad oo loo fidiyo bukaannada kelyaha.





