Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, ayaa magaalada Jowhar ku shaaciyay natiijada doorashadii isku sidkaneyd ee 30-kii Sebtembar ka dhacday dowlad-goboleedka HirShabelle.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in doorashadu ka dhacday 10 degmo oo ka tirsan HirShabelle, isagoo xusay in hannaanka cod-bixinta, tirinta iyo isku-geynta natiijooyinka ay guddigu ku soo dhammeeyeen si nabad ah.
Doorashada Golaha Wakiillada HirShabelle waxaa ku tartamay 13 urur siyaasadeed, iyadoo la isku hayay 95 kursi. Sida guddigu sheegay, waxaa codeeyay in ka badan 124,000 qof, halka 121,451 cod loo aqoonsaday kuwo ansax ah, halka 2,182 cod ay noqdeen kuwo aan ansax ahayn.
Natiijada uu guddigu shaaciyay ayaa muujisay in Ururka Caddaalad iyo Wadajir uu helay tirada ugu badan ee kuraasta Golaha Wakiillada, isagoo ku guuleystay 78 kursi.
Ururka Iftiin Qaran ayaa helay 5 kursi, Karaama 6 kursi, Sincad 3 kursi, halka Dimuqraadiyadda Soomaaliyeed ay heshay 2 kursi. Ururrada Caddaaladda iyo Midnimo, Madalsan, Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Ramaas ayaa midkiiba helay hal ama laba kursi, sida ku cad natiijada guddiga.
Guddigu sidoo kale wuxuu shaaciyay natiijada doorashada golayaasha deegaanka ee 10-ka degmo, Doorashadan waxaa loogu tartamay 222 kursi, iyadoo guddigu sheegay in 121,466 cod ay ansax noqdeen.
Ururka Caddaalad iyo Wadajir ayaa mar kale ku hoggaamiyay tirada kuraasta, isagoo helay 158 kursi. Karaama ayaa helay 17 kursi, Madalsan 14 kursi, Iftiin Qaran 12 kursi, Sincad 8 kursi, halka Ramaas uu helay 7 kursi.
Guddoomiyaha guddiga ayaa sheegay in doorashooyinka ka dhacay HirShabelle iyo Galmudug ay yihiin tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in guddigu uu diyaar u yahay inuu door ka qaato diyaarinta doorashooyinka federaalka ee mustaqbalka, oo ay ku jiraan doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale ammaanay shacabka HirShabelle iyo Galmudug, iyo ciidamada amniga, gaar ahaan booliiska, milatariga iyo hay’adaha nabadgelyada, kuwaas oo uu sheegay inay door ku lahaayeen sugidda amniga goobihii doorashadu ka dhacday..













