Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay xidhayso safaaraddeeda ku taalla magaalada Asmara ee dalka Eriteriya, iyadoo tallaabadan ku sababaysay waxa ay ku tilmaantay falal toos ah iyo kuwo dadban oo ay Eriteriya kula kacday Itoobiya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa bayaan ay soo saartay Khamiista maanta ku sheegtay in sidoo kale 10 diblomaasiyiin Eriteriyan ah oo ka hawlgala Addis Ababa loo sheegay in ay dalkeeda ka baxaan, iyadoo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen hawlo ay Itoobiya ku tilmaantay kuwo khatar toos ah ku ah amnigeeda qaranka.
Diblomaasiyiinta ayaa dowladda Itoobiya ku amartay inay dalka uga baxaan muddo 48 saacadood gudahood ah, iyadoo sheegtay in hawlahooda ay ka hor imanayaan heshiiska caalamiga ah ee Vienna ee xidhiidhka caalamiga ah. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sidoo kale dowladda Eriteriya ugu baaqday inay joojiso dhammaan falalka ay ku tilmaantay kuwo ka hor imanaya mabaadi’da lagu hago xidhiidhka dowladaha madax-bannaan.
Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya waxay bayaanka ku xustay inay weli qiimeyso xidhiidhada taariikheed, dhaqanka iyo Xbox xidhiidhka shacabka ee labada dal, iyadoo sheegtay inay mudnaanta siinayso nabad ku wada noolaanshaha, xasilloonida gobolka iyo is-dhexgalka Geeska Afrika.













