Dallada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda ka taagan magaalada Boosaaso, isagoo sheegay in xirmanaanshaha suuqyada ganacsiga oo galay maalintii saddexaad iyo hakadka ku yimid shaqadii Dekedda Boosaaso oo galay maalintii afraad ay saameyn ballaaran ku yeesheen dhaqaalaha iyo nolosha bulshada.
Warsaxaafadeed ay PUNSAA...
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay wefti sare oo ka socday Dowladda Boqortooyada Ingiriiska, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen masuuliyiin ka socday xafiiska UK ee Somaliland, Safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya iyo wakiil ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga ee UK
Kulanka ayaa...
Ciidamada la dagaallanka argagixisada ee Kenya ayaa sheegay inay dileen 11 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgal sirdoon ku saleysnaa oo laga fuliyay xero ay kooxda ku lahayd meel u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Bayaan ay soo saareen saraakiisha amniga Kenya ayaa lagu sheegay in howlgalka, oo ay...
Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Islamabad kulan kula yeelatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Pakistan, Rabiya Javeri Agha, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca xuquuqul insaanka.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda...
Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu doortay Muuse Xaaji Cabdi Ducaale inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Golaha, saacado uun kadib markii Guddoomiyihii hore, Saleebaan Maxamuud Aadan, uu si rasmi ah isaga casilay xilka iyo xubinnimada Golaha Guurtida.
Doorashada ayaa ku dhacday jawi deggen, iyadoo laba mudane oo...
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la kulmay cambaareyn uga timid mas'uuliyiin iyo ururrada xuquuqda Muslimiinta kaddib markii uu baraha bulshada ku baahiyay muuqaal ay ka muuqdaan carruur Soomaaliyeed oo xijaaban, kuwaas oo ka qeybgalayay munaasabad qalin-jabin ah oo ka dhacday dugsi ku yaalla gobolka Minnesota.
Muuqaalka oo socday 14 ilbiriqsi...
Hay’adda Qatar Charity ayaa magaalada Muqdisho ku daah-furtay qorshe ay ku hirgelinayso 48 mashruuc oo caafimaad inta u dhaxaysa sannadaha 2026–2027, kuwaas oo lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka laguna gaarsiinayo daryeel caafimaad bulshada ugu nugul ee Soomaaliya.
Sida lagu sheegay munaasabadda daah-furka, mashaariicdan waxay ka kooban yihiin sagaal barnaamij oo waaweyn,...
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay inay xirtay shaqsiyaad ku labisnaa dareyska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kadib markii uu baraha bulshada ku faafay muuqaal muujinaya fal ay wasaaraddu ku tilmaamtay mid aan la aqbali karin oo la xiriira calanka Mareykanka.
War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in falkaasi uusan...
WAR-SAXAAFADEED
Taariikh: 10/July/ 2026 Muqdisho, Soomaaliya
Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed (MDD) wuxuu soo dhaweynayaa wada-hadallada siyaasadeed ee ka socda magaalada Muqdisho ee u dhexeeya Dowladda Federaalka...
Xisbiga Nabad iyo Nolol ee uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay nooca doorasho ee uu u arko in Soomaaliya ay kaga gudbi karto marxaladda siyaasadeed ee hadda lagu jiro, kaddib markii uu ka qayb galay wareegga labaad ee wada-hadallada doorashooyinka ee Muqdisho uga...


















