Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalintii shalay ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa lagu waddaa in uu Magaalada Washington uga qeyb galo shir looga hadlayo dalalka soo koraya ee Soomaaliya ay ku jirto ee sanadkaan 2018-ka.
Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saaraya sidii loo horumarin lahaa...
Saraakiisha gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay ciidamada Kenya in ay burburiyeen xaruntii Isgaarsiinta Hormuud Telecom ee deegaanka Dhamase oo qiyaastii 60KM u jira degmada Ceelwaaq.
Col. Aadan Xirsi Rufle oo ka tirsan Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in ciidamada Kenya ay miinooyin ku xireen xaruntan, isla markaana ay gebi...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir gaar ah la yeeshay madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo oo ka qeyb galayey shirka dalalka ciidamadooda joogaan Soomaaliya (AMISOM).
Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Ku-xigeenka koowaad ee Burundi ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo sii adkeyn lahaa,...
Dowladda Burundi ayaa xaqiijisay in ku dhawaad 5 Askari looga dilay weerarkii shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dowladda Burundi waxaa ay sheegtay in ciidamadeeda qeybta ka ah howlgalka AMISOM laga dilay Askartaasi xilli ay doonayaan in ay ku socdaalaan wadda u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar...
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay dhowaan magaalada Muqdisho in ay ka bilaaban doonaan Howlgallo culus oo ammaanka lagu sugayo.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sheegay in degmo walba oo ka mid ah Muqdisho laga hergaliyay ciidamo suga amniga, wuxuuna shacabka uu ka dalbaday in ay la shaqeeyaan ciidamada,...
Shirkii Kampala oo War Murtiyeed Laga Soo Saarey Dalalka Ciidamadu ka Joogaan Soomaaliya Kulankooda.
Shirka Madaxda Dalalka Ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya (AMISOM) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay 2-da Maarso 2018 magaalada Kampala ee Uganda, waxaana martigeliyey Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Musaveni.
Shirka waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Musaveni, Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad...
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa shir jaraa’id oo uu goor dhow qabtay waxaa uu ka hadlay heshiiskii Dekeda Berbera ee ay saamiga ku kala saxiixdeen Shirkadda DP World, Somaliland iyo dowladda Itoobiya, iyadoo heshiiskan la saxiixay xilli ra’iisul wasaraaha ku sugnaa Imaaraadka Carabta.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in...
Wararka xiligan naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari uu ka dhacay xarun ciidamada dowladda ku leeyihiin degmadaas.
Dad ku sugan degmada Afgooye ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa gaariga fuliyay uu ahaa nooca loo yaqaano NOAH oo...
Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahano ka mid ah ururka Al-Shabaab ay weerareen degmada Balcad oo 37km dhinaca Waqooyi ka xiga caasimada dalka ee Muqdisho.
Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in Xaafado ka mid ah degmada Balcad la wareegeen ururka Al-Shabaab...
Dowladda Soomaaliya ayaa arrin sharci darro ah ku tilmaamtay heshiiskii dekedda Berbera,kaddib bayaan ka soo baxay wasaaaradda Gaadiidka iyo Dekeddaha.
Wasaaradda Gadiidka iyo Dekeddaha Badda dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskan uu noqonayo mid lagu wiiqayo midnimada iyo wada jirka Ummadda Soomaaliya.
Sidoo kale Wasaaraddu waxa ay hoosta ka xariiqday in...

















