Hawlgal Culus oo R/Wasaare Khayre Sheegey in Muqdisho laga Billaabi Doono Dhawaan.

0
427

 Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay dhowaan magaalada Muqdisho in ay ka bilaaban doonaan Howlgallo culus oo ammaanka lagu sugayo.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sheegay in degmo walba oo ka mid ah Muqdisho laga hergaliyay ciidamo suga amniga, wuxuuna shacabka uu ka dalbaday in ay la shaqeeyaan ciidamada, taasi bedelkeeda ciidamada ayuu ugu baaqay in ay shacabka u dhimriyaan.

“Waxaa la isku soo dhaweeyay guddoomiyeyaasha iyo taliyeyaasha, si loo dardar- geliyo sugidda howlaha ammaanka, shacabka waxaan ka codsaneynaa in ay ciidamada la shaqeeyaan, si looga hortago falalka ka baxsan amniga,” ayuu yiri Khayre.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu waddaa in ay kaalin lixaad leh ay ka qaataan howlgalkaasi, oo markii ugu horresay ay ka qeyb-gali doonaan fulintiisa ciidamada Asluubta iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamada Ammaanka dowladda Federaalka ayaa kordhiyay howlgalada ammaanka lagu xaqiijinayo ee ay ka sameynayaan gudaha iyo deegaannada ka baxsan caasimada, iyada oo ciidamada Khamiistii ina dhaaftay ay ka hortageen gaari miineysan oo la sheegay in loo doonayay in lala soo galo Muqdisho, balse ku qarxay Bar-Kontorool oo ku taalla degaanka Siinka-dheer.

warsom2011@gmail.com