Dowladda Burundi ayaa xaqiijisay in ku dhawaad 5 Askari looga dilay weerarkii shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dowladda Burundi waxaa ay sheegtay in ciidamadeeda qeybta ka ah howlgalka AMISOM laga dilay Askartaasi xilli ay doonayaan in ay ku socdaalaan wadda u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.
Gaston Sindimwo madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Burundi ayaa sheegay in dowladda Burundi ay aad uga naxday geeridda Askartaasi, waxaana uu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay ka waddaan Soomaaliya.
Laakiin Gaston ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada Al-shabaab ee ah in weerarkaasi ku dileen ilaa 20 Askari oo ka tirsanaa ciidamada Burundi.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in aysan jirin Gaadiid looga gubay Weerarkii shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen degmada Balcad.
Dagaalka shalay ka dhacay degmada Balcad ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee waayadan lagu qaado deegaan ay maamusho dowladda Soomaaliya.
warsom2011@gmail.com