Agaasimaha Shirkadda DP World Suldaan Ahmed Bin Suleymaan ayaa ganafka ku dhuftay shadalkii ka soo yeeray dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in heshiiskii saddex geesoodka Dekeda Berbera uu ahaa mid sharci darro ah.
“Nama quseeyo waxa ay leedahay dowladda federaalka, somaliland waa dowlad madax banaan 28 sano, waa meel xasilooni...
Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in 10-ka Bishaan uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Sooomaaliya oo ka kooban Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.
Xog-haayaha guud ee golaha shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in...
Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa guddoomay Darees ciidamada oo dowladda Turkigu ay ugu talagashey Ciidamada Cirka iyo Badda oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ay ka guddoomeen saraakiil kale oo ka socotay wasaaradad gaashaandhiga dalkaasi Turkiga.
Dareeskan dowladda Turkiga ay ugu deeqday ciidamada Cirka iyo Badda Soomaaliya...
Waxaa soo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo la xiriira qaraxyadii ka dhacay Bishii October ee sanadkii hore Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Guddiga Gurmad Qaran oo muddooyinkii dambe ku hawlanaa caawinta dadkii ay masiibooyinkaasi saameysay, ayaa xalay soo bandhigay jadwal muujinaya sida dadka ay usaameysay qaraxyadii Zoobe iyo weerarkii...
Ciidamada dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay ku guuleystay in Al-shabaab ay ka furtaan hub ay lahaayeen ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM oo lagu furtay dagaal Jimcihii ina dhaafay ka dhacay degmada Balcad.
Col Xassan Dhicisoow oo ah taliyaha booliiska maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay...
Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ku wareejiyay hub ay ciidamada dowlad goboleedka Hirshabelle ay ka soo badbaadiyeen weerar gaadmo ah oo Jimcihii aynu ka soo gudubnay Al-Shabaab ku qaadeen lagu qaadeen kolonyo saad u sidey ciidamada AMISOM duleedka magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.
Munaasabad lagu qabtay maanta Madaxtooyada dowlad goboleedka Hirshabelle...
Isbitaalka Kalkaal oo kamid ah isbitaalada casriga ah ee kuyaala magaalada Muqdisho ayaa qaliin lacag la’aan ah u sameeyay 170-qof oo faruurnaa, kuwaa oo isugu jiray caruur yar yar iyo dad da’ ah.
Qaliinkan ayaa loo sameeyay dad da’dooda u dhaxeysay lix bilood jir ilaa lixdan sano jir, waxaana dadka...
Magaalada Muqdisho waxaa dib u furmay jidad muhiim oo saddexdii cisho ee la soo dhaafay xirnaa, kaddib markii ay soo baxeen digniinno ka dhan ah Amaanka.
Wadayaasha gadiidka qaarkood ayaa sheegay in ay dib u furmeen jidadkii maalmihii aynu soo dhaafnay xirnaa ee laga celinayay, sida Isgoysyada ku yaalla wadada...
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay khilaafka ka taagan heshiiskii saddex geesoodka ah ee Dekedda Berbera ayaa sheegay in ay wadaan mooshin ka dhan ah heshiiskaa oo ay ku sheegeen in mid aan la aqbali karin.
Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo la hadlay warbaahinta ayaa sharci darro ku tilmaamay...
Wararka imanaya degmada Caabud-waaq ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in heshiis hor dhac ah kala saxiixdeen labo beelood oo ka soo kala jeeda degmooyinka Cadaado iyo Caabud-Waaq oo ku dagaalamay deegaanka Balli Sokor.
Colaada labada Beelood ayaa waxaa ku soo baxay mas’uuliyiin uu horkacayoi madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed...
















