Thursday, August 27, 2026
Aqalka Cad ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqay in Gary Cohn oo ah lataliyihii dhinaca dhaqaalaha ee madaxweyne Trump uu is casilayo. Bayaan uu soo saaray Gary Cohn ayuu ku xaqiijiyay is casilaadiisa, isaga oo sheegay in ay sharaf u aheyd inuu door ka ciyaaray dib u habeynta dhaqaalaha Mareykanka gaar...
Waxaa dibeda u soo baxaya khilaaf xoog leh oo soo kala dhaxgalay guddiga la socodka dib-u-eegista dastuurka ee labada Aqal iyo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil. Guddiga ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay ku dalbadeen in kalsoonida lagala noqdo Wasiirka oo ay ku eedeeyeen in uu wadi waayay...
Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay lacag dhan 5,33 Milyan oo Dollar in Mareykanka uu ugu deeqay dalalka Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya, lacagtaasi oo wax lagaga qabanayo arrimaha Bani’aadanimada, Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada. Rex Tillerson oo dhowaan socdaal ku tagaya Lix dal oo ka mid ah...
Waxaa soo ifbaxaya khilaaf cusub ka dhax abuurmay guddiga la socodka dib-u-eegista dastuurka ee Labada Aqal iyo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil. Qoraal ay soo saareen guddiga ayaa waxaa lagu wargaliyay guddoomiyaasha baarlamaanka iyo Aqalka Sare isla markaana lagu ogeysiiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Dowlada Federalka ayaa lagu sheegay...
Qeybtii labaad maxaabiis laga soo daayay xabsiyada dalka Libya ayaa ku soo wajahan Magaalada Muqdisho, sida uu sheegay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya dowladda Soomaaliya oo kiiska arrintaan loo xil saaray. Safiir Ali Fiqi, ayaa sheegay 13 dhalinyaro Soomaali ah inay garawsadeen in dalkooda hooyo dib loogu celiyo, islamarkaana ay...
La taliyaha Wasaaradda Amniga CabdiCasiis Xildhibaan ayaa warbaahinta u sheegay in todobaadii ugu danbeeyayba la waday howlo wax looga qabanayo Amniga guud ahaan marka la eego magaalada Muqdisho Goobaha laga howlgalay ayaa waxaa ka mid ahaa Isbitaalkii Forlanini ama #LAZARETTI ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku...
Dalalka kala ah Namibia, Zambia Iyo Bostwana ayaa hakiyay hilibkii ay kasoo dhoofsan jireen waddanka Koonfur Afrika. Maalinkii Axadda ayeey ahayd markii cudur uu ka dillaacay dalka Koonfur Afrika, kaaso laga helay hilibka la warshadeeyay ee dalkaasi uu soo saaro. Dowladda Malawi ayaa ka codsatay ganacsatada inay dukaamada iyo goobahooda ganacsi...
Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qorshe lagu dhisayo guriga baarlamaanka oo ku burburay dagaaladii sokeeye. Jawaari oo ka hadlayay barnaamij si toos ah uga baxayay taleefishinka dowladda ee SNTV oo lagu qabtay Muqdisho, ayna kasoo qeybgaleen dad badan ayaa la weeydiiyay sababta...
Magaalada London waxaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo shir looga hadlayo wax ka qabashada Abaaraha soo noq noqday ee dhuftay dalka Soomaaliya Sanadihii la soo dhaafay. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya dowlado kala duwan iyo hay’adaha deeq bixiyayaasha, waxaana Soomaaliya shirkan ku matalaya wafdi uu hoggaaminayo Jamaal...
Waxaa Magaalada Washington ee dalka Maraykanka ka furmay shirka (Forum Fragility 2018) oo looga hadlayo Maareynta Dhibaatooyinka ka dhasha Nabadgalyo xumida iyo Xasilooni darada. Shirkan oo uu soo qaban-qaabiyey Bankiga Adduunka (World Bank) ayaa waxaa diirada lagu saarayaa dejinta siyaasad la xiriirta horumarinta Nabadgelyada, si loo helo xal wax ku...