Xilli ay maanta ku beegantahay Maalinta Caalamiga ee Haweenka ayaa Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya uu haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha ay hiigsanayaan islamarkaana sannadihii u dambeeyay ka gaareen dhinacyada horumarka gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha, waxuuna sidoo kale ku bogaadiyay kaalinta siman ee ay haweenku ka qaataan...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadlay hadalkii ka soo yeedhay xukuumadda Soomaaliya oo uu ku tilmaamay dagaal uu ku soo qaaday Somaliland.
Madaxweyne Muuse ayaa si adag uga hadlay hadaladii Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xasan khayre kaga hor yimid heshiishka saddex geesoodka ah ee Dekadda...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kula kulmay kaaliyaha Xog-hayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka David Malpass , kulanka oo saacad iyo wax ka badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan.
Labada mas’uul ayaa kulankooda diirada ku saaray horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, xoojinta...
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Soomaaliya ayaa amaro cusub ku soo rogay shirkadaha duulimaadyada ee ka howl gala Garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo kulan la qaatay Shirkaddaha Duulimaadyada ee ka shaqeeya garoonka Muqdisho ayaa faray in wixii hada ka dambeeya looga baahan yahay Shirkaddaha inay soo...
Dalka Talyaaniga waxaa la tiriyay cod bixinta doorashada baarlamaaniga, iyadoo natiijadeedda ay u muuqaata in xisbiyadda ay ku kala sareeyaan.
Warar hor dhac ah oo soo baxaya ayaa muujinayaa in Kuraasta ugu badan uu ku guuleystey Xisbiga loo yaqaano Leegada oo ay ku Midoobeen Xisbiyo badan.
Sidoo kalena uu ku jiro...
Iyadoo ay sii kordhayaan weerarrada Al-shabaab ay ka geysanayaan gobolka Shabeellaha Hoose, ayuu sheegay maamulka Koonfur Galbeed in Amniga gobolka loo tababarayo ciidamo gaaraya 2, 500 oo Askari.
Afhayeenka madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin (Gacma) ayaa sheegay in gobolka loo qorsheeyay ciidamo gaaraya 2,500 hadana uu socdo abaabul ku aadan...
Wasiirada Arrimaha Dibadda Dowladaha Carabta oo shir ku yeeshay magaalada Qaahira ayaa waxa ay ka hadleen arrimaha ka taagan qaar ka mid ah dalalka Carabta, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay xiisadaha ka taagan dalalka Syria, Ciraaq, Falastiin, Libya iyo Soomaaliya.
Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Mudane Axmed oo...
Hay’adda Camuud Foundation ayaa maanta dawo iyo agab caafimaad gaarsiisay Isbitalka Madiina iyo Jaamacadaha Muqdisho iyo Baanadir ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabad lagu wareejinayay Dawo iyo Agab caafimaad ayaa lagu qabtay Xarunta Isbitaal Madiina waxaana ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Isbitaalka.
Deeqdan dawada ah oo ay soo...
Wararka naga soo gaaraya degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Wasiiru-dowlihii Amniga Koofur Galbeed lagu dilay qarax miino, xilli kolonyo uu la socday ay ka soo ambabaxeen Garoonka Balli-doogle, halkaasoo uu maanta booqday Madaxweynaha Koofur Galbeed.
Wasiirka Qarax ku geeriyooday oo lagu lagu magacaabayay C/qaadir C/raxmaan Cali...
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo dhaweeyay ilaa 13 dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo laga soo celiyay dalka Libya, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.
Wariye Ilyas Axmed Guute oo tagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in dhalinyaradan oo gaarayay...

















