La taliyaha Wasaaradda Amniga CabdiCasiis Xildhibaan ayaa warbaahinta u sheegay in todobaadii ugu danbeeyayba la waday howlo wax looga qabanayo Amniga guud ahaan marka la eego magaalada Muqdisho
Goobaha laga howlgalay ayaa waxaa ka mid ahaa Isbitaalkii Forlanini ama #LAZARETTI ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku jiraan bukaanno isugu jira dadka dhimirka la’ iyo kuwa xanuuno kale qaba.
Isbitaalkii Forlanini ama LAZARETTI ee wuxuu noqday gabaad ay ku dhuuntaan kooxaha ku howlan falalka amaan darro, gaar ahaan ka geysan jiray degmada #KAARAAN iyo C/casiis kuwaas oo isticmaala mukhaadaraadka loo yaqaano Calaqa iyo Xashiishka.
CabdiCasiis Xildhibaan ayaa uga mahad celiyay maamulka gobolka Benaadir gacantii ay ka geysteen in 75% la jaro geedaha qariyay dhismihii Isbitaalkaas.
Wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya Isbitaalka waxaa uu noqday goob ay ganacsato iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadihii soo maray Soomaaliya u isticmaalaan goobo lagu keydiyo Shidaalka oo hadda ay afarta dhinac ka yaallaan taas oo halis u keeni karta bukaannada ku jira istibaalkaasi.
warsom2011@gmail.com








