Tuesday, September 8, 2026
Dhul gariir xaddigiisu gaarsiisan yahay 5.7 ayaa shalay ka dhacay dalka Tanzania kaasoo dilay ugu yaraan 13 qof. Waxaa sidoo kale dhulgariirkaa ku dhaawacmay dad tiradoodu boqol sare u dhaaftay. Hayadaha dawliga ah ee dalkaa ayaa sheegay in dhul gariirku ka dhacay xadka dalkaasi la wadaago Rwanda gaar ahaan meel...
-Ciidamada Jubaland, kuwa dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo iskaashanaya ayaa qeybo ka tirsan gobolka J/hoose ka bilaabay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, ayadoo cidiamada ay dhawaan gacanta ku dhigeen deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 45 KM dhanka galbeed kaga beegan Kismaayo. Howlgalladan oo la doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaanada...
Madaxweynihii Hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo haatanna ah murashax u taagan xilka madaxnimo ee Somalia ayaa sheegay in tahay sax in madaxweyne Xasan Madaxweyne Xasan Sheekh loogu yeero madaxweynihii hore ee Somalia, maadaama uu waqtigii ka dhammaaday. C/raxmaan Faroole oo ku sugan Garoowe ugu baaqay Madaxweynaha Somalia inuu...
ee Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa shalay sheegay in ammaanka Muqdisho la adkeeyay maadaama Muqdisho lagu qabanaayo shir madaxeedka IGAD Salaasada soo socota. Wuxuu sidoo kale Madaxweyne Xassan sheegay in nawaaxiga Muqdisho ammaankiisa la adkeeyay sidoo kale. Madaxda dalalka Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Soomaaliya, Koofurta Suudaan, Suudan iyo Uganda ayaa la...
Ugaas Xassan Ugaas Khaliif  oo ayaa ka Qayb-gallay dibadbax ka dhacay magaalada Beledweyne, ayaa sheegay in marnaba Aqbali doonin wax ka badan Siddeedii gobol ee Soomaaliya. “Horay ayaan u sheegnay, marar badanna waan ku cel-celinay, 18 gobol wax leysku dhaho aan ogolanahay malaha, Soomaali waa in cadaalad wax loogu qeybiyo,...
Dawlada Finland ayaa laanteeda socdaalka (Migri) ay bilowday inay diyaariso wareysiyo cusub oo loogu tala galay ama lala yeelanayo dad horay loo aqbalay in dalkaa sidii qaxooti ahaan ay ku joogaan. Sidaa waxaa shalay galab sheegtay warbaahinta Finland. Warbaahinta ayaa sheegtay in dadka soo galootiga ah wareysiyada lagu celinaayo si...
-Maanta ayaa waxaa la joogaa 15 sano guuradii kasoo wareegtay 9/11 markii la qarxiyay daarihii dhaadheeraa ee New York ee Xaruntii Ganacsiga Caalamka ee World Trade Centre. Maalintaa oo ahayd 11kii bishii Sitembar sida hada bisha aanu ku jirno sanadkii 2001 ayaa waxaa diyaarado lagu dhuftay lagu burburiyay daarihii...
Waxaa xiran waddooyin badan oo muhiim ah caasimada Soomaaliya ee Muqdishu. Wadooyinkaa ayaa muddo dhowr maalmood ah iminka xiran. Waddooyinka ayaa waxaa dawladu sheegtay in loo xiray sababo la xiriira adkeynta ammaanka ayadoo caasimada loo diyaarinaayo in ay qabato ama marti galiso Shir Madaxeedka Igad maalinta Salaasada ah ee soo...
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, isla markaana u dul-qaataan tallaabooyinka dheeriga ah ee lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho oo la filayo in dhowaan lagu qabto shir madaxeedka Dalalka Xubnaha ka ah Ururka IGAD. Caasimadda Somalia ayaa waxaa inteeda badan la...
Markab Turkiga laga leeyahay oo sida 11,000 oo tan oo raashin iyo alaabo gargaar ah ayaa shalay Turkigu usoo diray dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya. Markabkaa ayaa waxaa uu kasoo shiraacday magaalo xeebeedka Turkiga ee Mersin. Raashinka lasoo saaray markabkaa ayaa waxaa kujira bur iyo sonkor iyo raashin kale oo quutul...