UGAAS XASAN: oo shaaciyey in aysan aqbaleyn in wax lagu qeybsado wax ka badan sideedii gobol ee xoriyada.

0
597

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif  oo ayaa ka Qayb-gallay dibadbax ka dhacay magaalada Beledweyne, ayaa sheegay in marnaba Aqbali doonin wax ka badan Siddeedii gobol ee Soomaaliya.

“Horay ayaan u sheegnay, marar badanna waan ku cel-celinay, 18 gobol wax leysku dhaho aan ogolanahay malaha, Soomaali waa in cadaalad wax loogu qeybiyo, gobolka Hiiraan waxaa uu ka mid ahaa siddeedii gobol ee Soomaaliya, wax intaa ka badan oo aan ogolnahay ma jiro,” ayuu yiri Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa maanta ka qeyb-gallay markii ugu horeysay kulan ay wadda jir u qabteen iyaga iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo ka hor-jeestay shirka magaalada Jowhar.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam banktabaarak