Tuesday, September 8, 2026
Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukuntay rag u xirnaa in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab. Raggaa la xukumay ayaa saddex ahaa. Garsooraha maxkamada ciidamada qalabka sida ,G/dhexe, Xasan C/raxmaan Aaden  ayaa sheegay in labo ka mid ah raggaa lagu xukumay min 8 sano oo xabsi ah. La-tuhunsane saddexaad...
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Saleebaan Jaamac Dirir iyo isku-duwaha Caafimaadka ee Gobolka Saaxil Dr. Cabdirixiim Ducaale, ayaa ka warbixiyey cudurka Jadeecadda oo ka bilaabmay  deegaanka Bariga Saaxil ee Somaliland. Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Jamac Dirir ayaa sheegay in illaa afar qof u geeriyoodeen inta uu ogyahay...
Labo qof oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab ayaa xalay qarax ku dhintay, Ex Control Muqdisho. Wakaalada wararka ee Soomaaliya ee SONNA ayaa tebisay in labadaasi ka tirsanaayeen saddex qof oo Al-Shabaab ahaa oo miino meel galinaayay. Labadaa ayaa dhintay kadib markii miinadii ayaga ay ku kacday. Qofkii saddexaad ayaa...
Musharraxa Xisbiga Jamhuuriga ah ee doorashada madaxtinimada dalka Mareykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray inuu si iskiis ah u dhameysan doono todobaadyada ugu danbeeya ee ololahiisa doorashada Madaxtinimada. Isagoo Arbacadi shalay kula hadlayey Gobolka Florida ee Koofur-bari Dalka Mareykanka, ayuu sheegay Trump in uu aad ugu Careysanyahay Qaar ka...
Xiisad Colaadeed, ayaa la sheegayaa in weli ay ka taagan tahay deegaanka Godin-labe ee Gobolka Galgaduud oo ay shalay ku dagaallameen ciidammo kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Ahlusunna Waljaamaca. Wararka ayaa sheegaya in weli ciidamadii dagaalladu shalay dhexmareen ay weli isku-hor-fadhiyaan deegaankaas oo qiyaastii 25-km u jira Degmada Cadaado oo...
Waxaa Nairobi Kenya maanta ka bilaabanaya bandhigga todobaadka dhaqanka Soomaalida. Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa uu soo socday oo sanad waliba lagu qabanaayay Somali Heritage Week (Todobaadka Dhaqanka Soomaalida) bandhigiisa caasimada Nairobi. Todobaadka Dhaqanka Soomaalida ayaa wuxuu socon doonaa ilaa 16ka bishaan aanu ku jirno ee Oktoobar. Waxaa uu ka...
Musharaxiinta u taagan qabashada xil guddoonka baarlamaanka Hirshabeele ayaa xalay khudbado u jeediyay xildhibaanada maamulkaa. Kulan xalay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ay ku yeesheen xildhibaanada dowlad goboleedka Hirshabeele ayaa waxay khudbado kaga dhageysteen musharixiinta guddoonka baarlamaanka ee maamulkaa dhismihiisa uu socdo isu soo sharaxay. Kulankaasi ayaa waxaa ka...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro dad ah oo dagaalyahannada Al-shabaab ku dilleen deegaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan halkaa oo maalintii shalay ay isaga baxeen ciidammada Itoobiya. Dadkan la laayay oo la sheegay in qaarkood la Gowracay, ayaa waxaa ka mid ah Odayaal-dhaqameed da' ah, ganacsato iyo dadka kale...
War kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Nairobi, ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu si dhaw ula Shaqeynayo dowladda Federalka Somalia iyo Maamulada Galmudug iyo Puntland, si looga Hadlo Duqeyntii 28-kii Bishii September ee lasoo dhaafay Mareykanku ka geysteen Bariga Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug. War-saxaafadeedka, ayaa lagu sheegay inuu Mareykanku...
Daud Aweys oo ahaa afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa haatan loo magacaabay inuu noqdo la-taliyaha dhanka siyaasada ee xafiiska QM ee Soomaaliya. Daud Aweys ayaa ahaa muddo dheer wariye kasoo shaqeeyay idaacado caalami ah sida BBC iyo VOA ka hor intii uusan qabin xilka uu ka hayay madaxtooyada Soomaaliya. warsom2011@gmail.com