Dad lagu sheegey in ay ka tirsanyihiin Xarakada al-shabaab oo maxkamada ciidamada qalabka sida xukun ku ridey.

0
527

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukuntay rag u xirnaa in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Raggaa la xukumay ayaa saddex ahaa. Garsooraha maxkamada ciidamada qalabka sida ,G/dhexe, Xasan C/raxmaan Aaden  ayaa sheegay in labo ka mid ah raggaa lagu xukumay min 8 sano oo xabsi ah.

La-tuhunsane saddexaad ayaa maxkamadu xukuntay in lasii daayo maadaama ay sheegtay in wax dambi ah lagu waayay.

Raggaa ayaa dhawaan lagu soo qabtay hawlgallo ay ciidamada ammaanku ka sameeyeen  xaafada  Yaaqshiid ee Muqdisho.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak