Monday, September 7, 2026
Soomaali badan oo qurbaha ku wareeray ayaa haatan lagu soo waramayaa inay dib ugu laabanayaan dalkoodii hooyo ee Soomaaliya. Inkastoo wali qeybo badan oo Soomaaliya ah ay colaado ka jiraan Soomaalidaa ayaa door bidaya inay qurbaha isaga tagaan oo dalkoodii ay maciin bidaan kadib markii ay ku dhibtoodeen ama lagu...
Magaalada Jowhar waxaa ka soconaya diyaar-garoowga wajigii kowaad doorashada xubnaha aqalka hoose oo maanta lagu tartami doono sidda qorshuhu yahay 13 kursiga oo ka mid ah 37 xildhibaan ee la fillayo in ay ku matallaan maamulka Hirshabeelle baarlamaanka cusub ee federaalka. Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa maalin ka hor shaaciyay...
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo culus iyo weeraro ismiidaamin ah oo xallay ka dhacay deegaanka Tiyeegloow ee gobolka Bakool, kuwaa oo sababay khasaare balaaran isugu jiray dhimasho iyo dhaawac. Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in dagaal toos ah iyo weeraro ismiidaamin ah ku qaadeen saldhigyo...
Burundi oo ka mid ah dalalka Soomaaliya usoo diray ciidamada nabad ilaalinta ama AMISOM ayaa asaga qudhiisa waxaa haatan looga baqayaa in gumaad uu ka dhaco ama xasuuq sida hayadaha xaquuqul insaanka ee caalamiga ah ay ka digayaan. Shalay Talaadadii ayaa ururada xaquuqul insaanka ee caalamiga ah ay sheegeen in...
Ururka caalamiga ah ee u dooda xaquuqul insaanka ee Amnesty International (AI) ayaa sheegay in dawlada Kenya ay ku qasbeyso qaxootiga Soomaalida ah ee kunool xeryaha Dhadhaab inay Soomaaliya aadaan. Waxay AI sheegeysaa in saraakiisha dawlada Kenya ay ugu dardaar wariyaan qaxootiga Soomaalida ah ee kunool Dhadhaab in hadii aysan...
Guddiga Taakuleynta Abaaraha ee Gobolka Sool, ayaa deeq raashin ahayd maanta gaarsiiyay qayb ka mid ah dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kasoo barakacay gobolada Togdheer, Sool, Cayn, Sanaag, Mudug & Nugaal kuna sugan Dulleedka Deegaanka Boocame oo ka tirsan Gobolka Sool. Qoysaskaan, ay Abaaruhu Saameeyeen, ayaa la Gaadhsiiyay Deeqdaan oo...
Maxkamadda Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, ayaa Xukunno ku Ridday Saddex Dhallinyaro Soomaaliyeed ah, oo lagu kala Magacaabo; C/llaahi Yuusuf, C/risaaq Warsame iyo Zakariye C/raxmaan, kuwaasoo lagu helay dambiyo la xiriira inay doonayeen inay ku biiraan kooxda Daacish. warsom2011@gmail.com HADABA DAAWO MUUQAALKAN:- https://youtu.be/JvnLSOpjNXQ
Guddoomiyaha KMG ah ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, C/qaadir Ismaaciil Jirde, ayaa sheegay inuu xilkii iyo xubinimaddii xisbiga ka qaadeen gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga Axmed Mumin Seed iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Xisbiga Faarax Maxamuud Cabdulle (Faarax Dheere). C/qaadir Jirde ayaa ku dooday inay sababta uga...
Ciidamo taabacsan Ahlu Sunna ayaa maanta galinkii hore xiray idaacada Radio Galgaduud ee magaalada Guriceel. Idaacadaa ayaa la xiray abbaare 10kii subaxnimo ee maanta. Ciidamadaa ayaa ku amray in shaqaalihii idaacadaasi ay kasoo baxaan xarunta idaacada dabadeedna waa ay xireen. Wariye ka tirsan idaacadaa ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in...
War-murtiyeed uu maamulka Puntland soo saartay ayaa waxay ku sheegeen inay waxba kama jiraan yihiin Qoraallo dhawaan ka soo baxay guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ku aaddanaa Hannaanka Doorashooyika. Maamulka Puntland ayaa Qoraalkaan ku sheegtay in Go’aannadii Madasha Qaran ee 22-kii illaa 25-kii Bishii Juun ee 2016-ka...