Guddoomiyaha KMG ah ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, C/qaadir Ismaaciil Jirde, ayaa sheegay inuu xilkii iyo xubinimaddii xisbiga ka qaadeen gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga Axmed Mumin Seed iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Xisbiga Faarax Maxamuud Cabdulle (Faarax Dheere).
C/qaadir Jirde ayaa ku dooday inay sababta uga qaadeen xilalka ay tahay kaddib markii ay jabiyeen qodobka 9aad ee xeerka xisbiga u yaal, waxaanu sheegay in guddida fulinta fadhi ay iskugu yimaadeen labadda masuul xilkii ka qaadeen.
“Axmed Muumin Seed iyo Faarax Maxamuud C/lle waxay ka dhego adeegeen yeedhmadii gudiga anshaxa ee xisbiga, hadaba markii Guddiga Anshax-marinta ku qanacday in Axmed Muumin Seed ku gefay anshaxa doorashada (code of conduct) ee uu hore u saxeexay, isla markaana ay gudidu ku qanacday in Axmed Muumin Seed iyo Faarax Maxamuud Cabdulle diideen ergadii suluxaa ahayd ee yeedhmadii Guddiga Anshaxa. Guddiga Anshaxa, markii ay hubsatay in ay si cad uu jeebiyeen qodobka 9-aad faqradisa 1,5,7,8 iyo 9-aad ee Xeerka xisbiga Wadani. Waxa gudiga u cadaatay in aan si gabasho lahayn ugu hawlan yihiin ficilo waxyeelo ku ah sumcada iyo wada jirka xisbiga kana soo hor jeeda xeerka xisbiga, hadaba in Axmed Muumin Seed iyo Faarax Maxamuud Cabdulle mutaysteen dhamaan asbaabihii lagu waayi lahaa Xilka Guddoomiye ku xigeenka 1-aad iyo Xubinimada iyo gudoomiye ku xigeenka 2aad iyo xubinimada sida ku tilmaaman 37aad faqradisa 1aad xarafka-B, waxa uu Guddoomiyaha Xisbigu ka codsaday in sida wafaaqsan Xeerka Xisbiga u gudbiyo Guddiga Fulinta Xisbiga,” ayuu yidhi Guddoomiye Jirde oo sharaxayey sababta xilka looga qaadayo labada gudoomiye ku xigeen ee xisbiga WADANI.
Isagoo hadalka sii wata ayuu yidhi. “Guddoomiyuhu isagoo raacaya xeerka Xisbiga, waxaa isugu yeedhay gudiga fulinta una gudbiyey soo jeedintii in la anshax mariyo labada masuul kaddib Warbixintii, kaddib Dood-dheer, Guddiga fulinta waxa ay gacan taag ku ansixiyeen in labada Mas’uul laga qaado Xilkii iyo Xubinnimadii Xisbiga, iyadoo Shirka fadhiyeen 43 xubnood, Waxaana u coddeeyey in Xilka iyo xubinimada laga qaado 42 xubnood ee gudiga fulinta in laga qaado Labada Mas’uul; Axmed Muumin Seed iyo Faarax Max’uud Cabdulle, Xilka laga qaado, iyadoo Guddoomiyuhu aanu ka coddeyn shirka.”
Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga WADANI, Axmed Muumin Seed oo warbaahinta la hadlay ayaa ku Gacan-saydhay Go’aannadii kasoo baxay Guddiga fulinta xisbiga WADDANI ee ay xilka iyo Xubinimada kaga qaadeen isaga iyo gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Xisbiga, Faarax Maxamuud Cabdulle.
“Waa wax aad iyo aad loolaa yaabo sababtoo ah Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ayaan ahay oo Guddoomiye ku xigeenkii labaad ayaa ila socda iyo xoghayeyaashii uu yidha ku sime gudoomiye xilka laga qaaday, horta waa arrin ceeb ah in la maqlo may ahayn. Anigo Guddoomiye ku xigeenkayga iyo Xog-hayeyaashii ila socda Garab baanu nahay sidoo kale C/raxmaan Cirro garab ayuu Hoggaaminaya. Awood xil la igaga qaado oo Guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo 2aad sharci uu yaala ma jiro, xisbigu sharci buu leeyahay. Anaga markii nala dooranayey shir-wayne ayaa na-lagu doortay, 350 ayaa na ansixiyay shir-weyne.”ayuu yidhi Axmed Mumin Seed oo ka jawaabay xilka la sheegay in laga qaaday.
Waxaanu intaas ku daray. “Xil-ka-qaadistayda sifo Sharci ah ayaa loo mari doona haddii la doonayo in la igaga qaado waana marka shirwayne la qabto ayaa la igaga qaadi kara, aniga iyo cabdiraxman cirro xisbiga waanu wada leenahay Waanan u siman-nahay oo laba garab baanu kala hogaaminayna. Garabkayga ayaana ka awood badan waxa ila socda gudoomiye ku xigeenkii labaad iyo Xog-hayeyaashii ayaa ila Socda.”
warsom2011@gmail.com








