War naga soo gaaray madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu baajiyay kulan xasaasi ah oo ay maanta yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka.
Agaasimaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay in la hakiyay kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa, kaddib soo jeedin ka timid Madaxweynaha.
Wararka...
Ma’aha wax ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed in ay maqlaan khilaaf soo kala dhaxgalay xildhibaannada Golaha Shacabka, laakiin arinta ku cusub khilaafka ayaa ah in markan guddoonkii Golaha Shacabka isku dhaganyahay islamarkaana dhinac walba uu hogaaminayo tiro xildhibaanno ah oo aan cadadkooda la ogeyn.
Fadhiga xildhibaannada Golaha Shacabka ee maalinta...
Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay isku afgarteen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo labada dhinac ka socda kuwaasi oo booqan doono xadka labada wadan.
Wasiir Cawad ayaa intaa ku daray in ay ku heshiiyeen in la hormariyo iskaashiga labada wadan, lana xoojiyo go’aankii...
Iyadoo maaalinta Berri ah lagu wado in xarunta golaha Shacabka ku shiraan xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dhinaca kale waxaa siweyn loo sugay Amniga Muqdisho.
Ciidamo ayaa la dhigay Isgoysyada Tarabuunka, Banaadir, KPP, Bakaaraha, Falorensa, Howl-wadaag illaa Siinaay oo aanay jirin wax gaadiid ah oo dhanka wadada Maka Al-Mukarama u soo...
Militariga Israa’iil ayaa lagu waramayaa in la soo dhoobey xudduuda magaaladda Qaza ka hor dibadbaxyo is xig-xiga oo la qorshaynayo in halkaasi ay maanta ka dhacaan.
Dibadbaxyadani ayaa waxaa ku baaqay kooxda ee Xamas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta oo siweyn uga soo horjeeda faragalinta Qaza ee Israa’iil
Qaban-qaabiyayaasha dibadbaxyadani ayaa...
AMISOM Troups
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xoogag ka tirsan ururka Al-Shabaab oo wadada u galay kolonyo ka tirsan ciidamada Burundi ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Waqooyiga magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay degaanka Cali-fooldheere oo dhanka Waqooyi uga beegan degmada...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo xalay waqti danbe shir jaraa’id ku qabtay xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha xukuumadda SoomaaliyaXassan Cali Kheyre yahay shaqsi shaqo yaqaan ah laakiin waayadii ugu danbeeyay bilaabey in uu talo ka qaato kuwii bur buriyay baarlamaankii Sideedaad.
‘’Ra’iisal wasaare...
Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudey oo xalay War saxaafadeed soo saaray ayaa waxaa uu kaga hadlay xaalada Golaha Shacabka iyo qorshaha Baarlamaanka u degsan kulamada ugu soo horeeya.
Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in uusan wali waxba iska bedelin sharcinimada iyo habraacii uu ku socday mooshinkii...
Arrin ugub ah oo ku cusub dhagaha Shacabka Soomaaliyeed ayeey noqotay kaddib markii qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan sheegeen in ay arkeen gabal-dhicii shalay wax u eg magaalo dhisan oo dulmareysa degmada.
Amiin Cali Makaraan oo ka mid dadka ku dhaqan degmada Jalalaqsi...
Qarax lagu soo xiray gaari ayaa goor dhaw ka dhacay meel aan ka fogey Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Gaarigan ayaa la sheegay in ay la socdeen saddex dhalinyaro mid ka mid ah la sheegay in uu dhaawac soo gaaray, waxaana uu gaar ahaan qaraxa ka dhacay agagaarka is-goyska Zoobe.
Hay’adaha ammaanka dowladda...

















