Tuesday, August 25, 2026
Rag bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Xamar-Weyne ee gobolka Banaadir Banaadir guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa degmada. Goobjoogayaal ayaa sheegay in Maxamud Macalin Xasan Fagaas oo ahaa gudoomiyihii waaxda Kacaan ee degmada Xamar Weyne uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas ay fureen rag hubeysan. Kooxihii dilka geystay...
Xildhibaannada ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay ciidamadii horey u joogay dhismaha Baarlamaanka ee Muqdisho ayaa dib loogu celiyay mas’uuliyadda amniga baarlamaanka maanta. Tiradda ciidamada Booliska ah ee dib loogu soo celiyay xarunta ayaa dhan 114 askari oo boolis ah oo si gaar ah u ilaaliya xarunta Golaha iyo xildhibaannada Waxaa...
Saraakiisha gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa sheegay in ay dib u bilaabi doonaan derbiga dowladda Kenya ay ka dhisayso xadka ay la wadaagto Soomaaliya. Fredrick Shisia guddoomiyaha degmada Mandera ayaa sheegay in dhismaha uu dib u bilaabi doono Abriil, waxaana uu sheegay mashruucaan ay fulin doonaan ciidamo iyo shaqaalle...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa beeniyay in uu doonaayo in uu iscasilo, xilli saacaddihii lasoo dhaafay ay soo baxaayeen wararkaasi. Qoraal ka soo baxay xafiiska gudoomiye Jawaari oo uu ku saxiixnaa Xog-hayaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaas been abuurka ah oo...
Israsaaseyn khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sababatay ayaa duhurnimadii maaanta ku dhaxmartay ciidamo ka wada tirsan Milatariga Soomaaliya halka loo yaqaan Xerada 77 ee ku taala degmada Dayniile. Goob joogayaal ayaa sheegay in iska hor imaadkan uu yimid khilaaf ku saabsan dhul hore ay u lahayeen ciidamada xoogga dalka...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa faah faahin ka bixiyay sababihii loo baajiyay kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa. Guddoomiyaha oo goor dhaw warbaahinta la hadlay sheegay in kulanka maanta loo hakiyay codsi ka yimid Madaxweynaha oo xalay saqdii dhexe illaa waabarigii kulan la qaatay Guddoonka Golaha...
Dadka reer Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan uga hadlaya go’aankii madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka qaatay kulankii maanta la filayay in ay yeesheen xildhibaannada Golaha Shacabka oo ahaa mid xasaasi ah oo dadka siweyn isha ugu wada hayeen. Aragtiyo kala duwan ayaa laga bixinayaan si deg deg...
Waxaa dib u bilaawday isku socodkii dadka iyo gadiidka qeybo ka mid ah jidadka halbowlaha u ah magaalada Muqdisho, kaddib markii ay saakay bulshadu ku waabariisatay jidadka oo gabi ahaanba xiran. Ciidamo isugu jira kuwa Militariga, Booliiska iyo Nabad-sugida ayaa xalay la dhigay qeybo ka mid Isgoysyada ugu muhiimsan caasimada...
Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in ciidammada Israel ay dileen shan iyo toban qof oo dibadbax ka dhigayay xadka israel, halka kun qof oo kalena ay ku dhaawacmeen rabshadahaasi. Madaxweynaha Falastiniyiinta ayaa dowladda Israel ku edeeyay in ay mas'uul ka yihiin dhimashada dadkani. Milateriga Israel waxaa ay dhankooda shegeen in...
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa labaduba ka hadlay xiisada siyaasadeed ka dhax-taagan xildhibaannada Golaha Shacabka. Madaxweyniyihii hore Xassan Sheekh Max’muud ayaa Qoraal ku uu soo saaray ku yiri : Dhawaanahaan waxaa soo ifbaxayay kala aragti duwanaan ka dhex jirta hay’adaha dowladda Soomaaliya. Kala aragti duwanaashaha...