Tuesday, August 25, 2026
Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee lagu waday in maanta oo taariikhdu tahay 28 bisha Maarso ka dhaco magaalada Baydhabo ayaa baaqday, waxaana la leeyahay baaqashada shirka waxaa qeyb ka ah khilaafka siyaasadeed ee ka dhax taagan hay’addaha dowladda. Sshirkii u dambeeyay ee Golaha Amniga Qaranka ee ka dhacay bishii February...
Hogaamiyaha Kuuriyada Wuqooyi , Kim Jong-un, ayaa kulan kula qaatay magaalada Beijing madaxwaynaha Shiinaha , Xi Jingping. Wakaaladda wararka Shiinaha ee (Xinhua) ayaa sheegtay in Mr Kim uu sheegay in ay xukuumadda Pyongyang ay ka go’an tahay in ay ka talabaxdo barnaamijkeeda Niyukleerka. Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in Kuuriyada Waqooyi...
  Golaha Amaanka ee QM ayaa Talaadadii shalay meel mariyay Qaraar waqtiga loogu kordhiyaya Xafiiska QM ee Soomaaliya oo la gaarsiiyay illaa 31-ka March 2019. Goluhu waxaa uu isla gartay muhiimadda taaageeradda howlgalka UNSOM Soomaaliya, gaaar ahaan taageridda dadaaladda Nabadda ee Dowlada Faderalka ah ee Soomaaliya iyo Nidaamka Dib u Hishiisiinta,...
Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay dil magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka maamulka oo lagu magacaabi jiray Ruqiyo Xasan Abshir (Gabbane). Dabley hubeysan ayaa fiidnimadii xalay waxa ay xildhibaanada ku dileen gudaha Farmashiye ku yaalla Xaafadda Suuqa Cawska oo aanan sidaa uga fogeyn isgoyska...
Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta kulanoodii ugu horeeyay ku yaalanaya magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah Galmudug. Baarlamaanada Galmudug iyo Ahlusuna ayaa 26-kii bishan lagu mideeyay magaalada Dhuusa-mareeb, kaddib munaasabad halkaasi ka dhacday oo uu ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf). Kulanka waxaa shir guddoomin doona Guddoomiyaha...
Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka kala tirsan dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya oo kulan ku yeeshay magaalada Mandera ee gobolka waqooyi Bari, ayaa isku afgartay in la joojiyo dhismaha darbiga dowladda Kenya ay ka dhisneyso xudduuda. Labada dhinac ayaa isku afgartay in la soo celiyo degenaanshihii, islamarkaana la joojiyo darbiga Kenya dhiseyso,...
Madaxweynihii hore ee dalka South African Jacob Zuma ayaa looga yeeray maxkamad si uu u wajaho 6-da bisha April dacwad isaga ka dhan ah oo la xiriirta musuqmaasuq,booliska ayaa sheegay in warqada u yeerista Zuma la soo saaray Isniinti shalay. Xafiiska Dacwad-oogayaasha qaran ee South Africa ayaa horraantii bishaan sheegay...
  Rag hubeysan ayaa xalay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku dileen mid ka mid ah dhalinyarada degmada oo si weyn loo garanayay, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka. Ninka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Mayoow Cabdullaahi Xusseen, kaasi oo ay da’diisa u dhaxeysay...
Munaasabad lagu saxiixayay heshiiska midowga Labada Baarlamaanka ee Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa lagu qabtay degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa kala saxiixday heshiiska isku darka labada Baarlamaan, kaasoo ka dhigaya tirada Baarlamaanka Galmudug kan ugu ballaaran...
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abdulkadir Ahmed Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi. Kulanka ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin heshiiska shirkadda DP World ee dekedda Berbera iyo arrimaha sharci ee ka...