Iyadoo maaalinta Berri ah lagu wado in xarunta golaha Shacabka ku shiraan xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dhinaca kale waxaa siweyn loo sugay Amniga Muqdisho.
Ciidamo ayaa la dhigay Isgoysyada Tarabuunka, Banaadir, KPP, Bakaaraha, Falorensa, Howl-wadaag illaa Siinaay oo aanay jirin wax gaadiid ah oo dhanka wadada Maka Al-Mukarama u soo gudbaya.
Ciidamadan ayaa u diiday Waddooyinkaasi in ay isticmaalaan gaadiidka iyo dadweynaha waxaana gaadiidka ay ka kala wareegayaan inta aanay soo gaarin.
Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa mar walba dhibaato weyn ku qaba xirnaashaha jidadka marka ah jiraan shirarka, munaasabadaha iyo safarada madaxda sare, inkasoo horay madaxweyne Farmaajo uu u balan-qaaday in dowladdiisu arrimahan wax ka qaban doonto.
warsom2011@gmail.com









