Qaar ka mid ah madaxda dhaqanka ee deegaannada Sool iyo Buuhoodle ayaa hanbalyo iyo dardaaran u diray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.
Madax-dhaqameedkan oo ku sugan halka lagu magcaabo Higlo-ka-dhacday oo ka tirsan magaalada Buuhoodle oo xiisad colaadeed ka taagnayd maalmihii la soo dhaafay ayaa waxa ay sheegeen in ay...
Kusimaha Madaxweynaha dalka Nigeria Yemi Osinbajo oo war qoraal ah ka soo saaray doorashadii madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in ay tahay doorashadaasi guul u soo hoyatay dhammaan umada Soomaaliyeed.
Kusimaha Madaxweynaha dalka Nigeria Yemi Osinbajo ayaa qiray in doorashadii lagu doortay Farmaajo in ay aheyd mid...
Garsoore Kenyan ah ayaa xabsi muddo bil ah ku xukumay saraakiil ka tirsan Midowga Dhaqaatiirta dalka Kenya, sababo ka xiriira shaqo joojinta muddada socota oo ay wadaan.
Dhaqaatiirta ayaa dalbanaya mushahar ka wanaagsan kan iminka ay qaataan iyo xaalad shaqo oo ka wanaagsan tan iminka.
Shaqo joojinta ay wadaan ayaa socotay...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay ganacsato mas’uuliyiin ka socotay rugta ganacsiga iyo warshadaha.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” waxaa uu ganacsatada uu hoggaaminayo guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Gabeyre kala hadlay laba qodob oo aad u muhiimsan” ayuu yiri agaasimaha rugta ganacsiga iyo warshadaha...
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Qalimow oo qiyaastii 30Km u jira Jowhar.
Dagaalkan ayaa ka dambeeyay markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaankaas.
Illaa saddex ruux oo dhinacyadii...
Waxaa habeennimadii xalay ku geeriyooday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya, kaa oo lagu magacaabi jiray Saciid Xassan Geedi.
Xildhibaanka ayaa qeyb-galin doorashadii madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo la xanuunsanayay cudurka dhiig-karka, sida ay sheegeen qaar ka mid ah eheladiisa oo warbaahinta la hadlay.
Saciid Xasan Geeddi ayaa...
Wafdi ballaaran oo uu horkacayay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michael Keating ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay madax ka tirsan dowlad goboleedka Jubaland.
Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira...
Ururka Al Shabaab iyo maamulka gobolka Shabeellaha hoose , ayaa waxaa ay guulo ka kala sheegteen dagaalo ka dhacay deegaanada Warmaxan iyo Tixsiile oo ka tirsan gobolkaasi.
Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegtay 19 askari oo saraakiil ciidan iyo askar isugu jira in ay ku dileen weerarkaasi, waxaana intaasi ay ku dareen...
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa si adag uga hadlay mawqifkiisa ku aadan saldhiga Milatari ee Xukuumadda Somaliland ay dawladda Imaaraadka ka siisey magaalada Berbera.
Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa sidan ku sheegay mar uu xalay qaar ka mid ah warbaahinta uu kula hadlaayey...
Waa macno darro in ciidamada Kenya ay sii joogaan Soomaaliya.
Kaasi waa cinwaanka faalo maanta lagu qoray wargeyska the Daily Nation gaar ahaan boggiisa wararka ee internetka.
Faalada ayaa lagu xusay in weeraradii ciidamada Kenya ay xarakada al-Shabaab dhawaan ku qaaday ay caddeyn u yihiin in dagaalka ciidamada Kenya aysan ku...

















