Qaar ka mid ah madaxda dhaqanka ee deegaannada Sool iyo Buuhoodle ayaa hanbalyo iyo dardaaran u diray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.
Madax-dhaqameedkan oo ku sugan halka lagu magcaabo Higlo-ka-dhacday oo ka tirsan magaalada Buuhoodle oo xiisad colaadeed ka taagnayd maalmihii la soo dhaafay ayaa waxa ay sheegeen in ay haboonayd in ay mar hore u hanbalyeeyaan balse ay mashquul ku ahaayeen howlo nabadeyn ah.
Garaad C/risaaq Garaad C/laahi Garaad Soofe ayaa waxa uu ugu horeyn sheegay in madaxweynaha la doortay Maxamed C/laahi Farmaajo lagu raacay wixii ay dadku ku arkeen mudadii uu xilka ra’iisal wasaaraha hayay, in uu ninka samatabixin kara bulshadana uu ula muuqday ayuu raaciyey.
“Madaxweyne bulshada iyo wakiiladiiba ku doorte rajo ayayna kaa filayaan, anaguna waxaan Illaahay kaaga baryaynaa in uu kugu Guuleeyo, culayskeenadana kuu fududeeyo” ayuu yiri Garaad C/laahi.
Garaad Saleebaan Buraale oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu isna si aad ah ugu dheeraaday amaanta Madaxweynaha isagoo raaciyey intaas in guushan ay ugu hanbalyaynayaan Xildhibaanada iyagu go’aansaday inay ka dhabeeyaan rajada bulshada Soomaaliyeed.
“Maanta Soomaali meel kasta oo ay joogto waa kuu banaan baxday markii lagu doortay, markii hore ee aad Ra’iisal wasaaraha ahaydna waa kuu banaan baxday, waana kuu hanbalyeynaynaa waxaana kugula dardaarmayaa in aad daacada ogaato Soomaalina aad si siman ugu adeegto” ayaa waxa yidhi Suldaan Siciid Cismaan Cali isagoo intaa raaciyey duco dheer.
Madaxda dhaqanka oo mudooyinkii la soo dhaafay ay hadheeyeen colaado beeleed oo degaano kala duwan ka taagan ayaa waxa ay si isku fikir ah isu garab taageen madaxweynaha la doortay Farmaajo.
warsom2011@gmail.com









