Dalka Nigeria oo soo dhaweeyey M/weynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo.

0
536

Kusimaha Madaxweynaha dalka Nigeria Yemi Osinbajo oo war qoraal ah ka soo saaray doorashadii madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in ay tahay doorashadaasi guul u soo hoyatay dhammaan umada Soomaaliyeed.

Kusimaha Madaxweynaha dalka Nigeria Yemi Osinbajo  ayaa qiray in doorashadii lagu doortay Farmaajo in ay aheyd mid ku dhacday si caddaalad ah, islamarkaana ay la shaqeyn doonaan dowladda cusub.

Yemi Osinbajo  ayaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ugu baaqay in uu ka shaqeeyo sidii Soomaaliya ay ku gaari laheyd nabad iyo horumar.

Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in dowladda Nigeria ay si weyn uga qeyb qaadan doonto dhismaha ciidamda xoogga dalka Soomaaliyeed.

warsom2011@gmail.com