Qaraxa oo ahaa miino lagu aasay waddada dhinaceeda ayaa ka dhacay xaafadda Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne, xili ay halkaa marayeen ciidamo ka tirsan kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM, gaar ahaan ciidamada Itoobiya.
Lama sheegin ilaa iyo hadda wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxa oo siweyn looga wada maqlay...
Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka qeybgaleen dad aad u faro badan, isla markaana lagu taageerayay dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa ka dhacday Magaalada Portland, Oregon ee cariga Maraykanka. Munaasabaddan ayaa waxaa ka hadlay dad aad u badan kuwaasi oo taageero buuxda u muujiyay madaxweynaha la...
Hayada CARE ayaa sheegtay in loo baahan yahay in abaarta Soomaaliya si dagdag wax looga qabto hadii kale xaaladu ay kasii dari karto.
Si kastaba ha ahaatee, waxay intaa ku dartay in si wax looga qabto abaarta ba'an ee Soomaaliya ay tahay in qarash laga helo deeqbixiyeyaasha. Waxay sheegtay in...
Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeedhay hanti dhawraha Soomaaliya oo dhaliilay heshiihska Somaliland iyo Imaaraadka dhexmaray ee saldhiga militari ku dhisanayaan magaaladda Berbera.
Afhayeenka madaxweynaha ayaa hadalkaasi ku tilmaamay farogalin qaawan oo xukuumadda Soomaaliya heshiishkii Somaliland la gashay Imaaraadka Carabta ee saldhiga Militari.
“Somaliland waxay si weyn ula...
Reer waqooyi-bari Kenya gaar ahaan odayaal kasoo jeeda degmada Mandheera ayaa geel iyo lacag u hibeeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo.
Geelaa ayaa shalay odayaasha Mandheera ay ku wareejiyeen maamulka degmada Balad Xaawo. Waxay sheegeen in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo uu yahay madaxweyne shacabku taageersan...
Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban siddeed xubnood oo loo xil saaray qaban qaabada xafladda caleemo-saarka madaxweynaha jamhuuiyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Munaasabada caleemo saarka ayaa waxaa la sheegay inay dhici doonto 22-ka bishan Febraayo, sida ku cad...
Kaddib markii dhawaan maamulka Soomaaliland uu hishiis militari la galay dowladda Imaraadka Carabta oo rabta in saldhig militari ka sameysato magaalada Berbera ayaa waxaa markii ugu horeysay arintan ka hadashay dowladda Soomaaliya.
Hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa sharci darro iyo musuq maasuq ku tilmaamay heshiiskii...
Burcad badeed Soomaali ah ayaa sii deysay badmaaxiin reer Iran ah; kuwo kale oo isla dalkaa kasoo jeeda ayay wali heysaa.
Kuwa lasii daayay ayaa dhan 8. Sidaa waxaa xaqiijiyay xildhibaan reer Iran ah. Wuxuu sheegay in wali ay socoto waan waan lagu damacsan yahay in inta kalena lagu soo...
Nin Kenyan ah ayaa la sheegay inuu waday gaarigii lagu qarxiyay xerada KDF ee Kulbiyow ka hor intii al-Shabaab aysan xeradaa weerarin dhawaan.
Gaari xamuul ah oo walxaha qarxa laga soo buuxshay ayuu soo waday dabadeedna xeradaa uu soo dhex galiyay ka hor gaarigu inta uusan qarxin xarakada al-Shabaabna aysan...
Maxkamada militariga ee Puntland ayaa 7 qof oo al-Shabaab ka tirsan ku xukuntay dil toogasho ah.
Maxkamadaa oo kutaala Boosaaso ayaa raggaa oo dhallin yaro ah ku xukuntay dilka shalay. Sidaa waxaa xaqiijiyay C/Fataax Xaaji Aadan, guddoomiyaha maxkamadaa.
Wuxuu intaa ku daray in ragaa lagu helay inay ka tirsanaayeen rag si kadis...

















