Saturday, September 5, 2026
Waxaa lagu guuleysan la’ yahay in damiyo dab xoogan oo saqdii dhexe ee xalay qabsaday qeybo badan oo ka mid ah suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, halkaa oo ay saakay isugu tageen inta badan ganacsatada reer Muqdisho oo ku dadaalaya sidii dabka loo damin lahaa. Gaadiidka dab damiska ayaa...
Magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota, ayaa shalay waxaa albaabada loo furay xarun ganacsi oo ay Soomaalidu leedahay. Xaruntan oo lagu magacaabo Jigjiga Business Center, ayaa waxaa la wareegay Khadar Jigre Aadan oo ah ganacsade Soomaaliyeed oo yeeshay xaruntii ugu horreysay ee ganacsi ee ay Soomaalidu ku yeelato gobolkan Minnesota. Xafladdii furitaanka...
Masuuliyiin ka socotay shirkadda Dubai Port Wolrd ayaa kulan la yeeshay madaxda shaqaalaha muruqmaalka ee dekadda Berbera, waxaana la sheegay inay ka wada hadleen qandaraas ay wada gali doonaan shirkada iyo muruqmaalka dekada Berbera. Kulankan oo ay warbaahintu dibad joog ka ahayd oo shalay ka dhacay hudheelka Maansoor  magalada Berbera...
-Madaxweynaha  Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ee uu howlo shaqo u joogo ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin Dagaal beeleedka ka dhacay deegaanno hoosyimaada degmada Cadale ee gobolka shabeelaha dhexe,Abaaraha ka jira deegaannada Hirshabeelle, iyo Golaha Wasiirada...
Madaxweynahii Maamul Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii Madaxweynenimadda Galmudug, Sababo la xariira xaga caafimaadkiisa sida uu sheegay. Dhawaan ayaa Baarlamaanka Maamulka Galmudug waxaa ay sheegeen in xilkii ay ka qaadeen C/kariin Xuseen Guuleed in kastoo uu diiday xil ka qaadista. Halkaan ka Akhriso
Warbixin ay soo saartay kooxda caalamiga ah ee xasaradaha adduunka "International Crisis Group" oo ay cinwaan uga dhigtay “Qatarta ay dalalka gobolka ku keeni karaan rajada Soomaalida” ayay diiradda ku saartay halista Madaxweeynaha cusub ee dalka uga iman karta dalalka deriska la ah Soomaaliya, oo ay sheegtay in ay...
-Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta dhismaha barlamaanka ee magaalada Garowe ,waxaana sida la sheegay ay ka cabanayaan mushaar la'aan haysatay bilihii la soo dhaafay. Sawirro laga soo qaaday ciidamadan ayaa muujinaya gawaari nooca milatariga ah oo lagu hor-jaray hoolka Barlamaanka ,...
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Maxamed C/Laahi Farmaajo ayaa sheegay in miisaaniyada dalka Soomaaliya lagu wado in qarash dheeraad ah lagu kabo. Shalay mar uu ka soo laabtay dalka Sucuudiga ayuu sheegay madaxweynuhu in madaxda Sacuudiga iyo asagu ka wada hadleen arimo dhowr ah. Arimahaa ayaa waxaa kujira codsi uu ka...
Ciidamadda maamulka Puntland ayaa xabsiga dhigay Nabadoon Cabdulqaadir Axmed Xarrago, oo dhawaan askarta Puntland ku eedeyay in ay jir-dilaan maxaasiibta u xiran eedeymaha Alshabaabnimo. Nabadoonka, ayaa ka hadlay dhawaan in 7 dhalinyaro ah oo ku jira xabsiyadda si xun loola dhaqmay, waxaana uu ugu baaqay maamulka Puntland in ay saxaan...
Weeraradii lagu hayay ajaaniibta kunool Koofur Afrika asbuucaan gaar ahaan caasimada Pretoria ayaa joogsaday. Si kastaba ha ahaatee, ururada bulshada rayidka ah ee dalkaa ayaa ka cabsi qaba inay mar kale bilowdaan weeraradaasi. Shisheeye nacaybkii ama nacaybka ka dhanka ah soo galootiga ayaa dib u soo labo kacleeyay asbuucii tagay mar...