Masuuliyiin ka socotay shirkadda Dubai Port Wolrd ayaa kulan la yeeshay madaxda shaqaalaha muruqmaalka ee dekadda Berbera, waxaana la sheegay inay ka wada hadleen qandaraas ay wada gali doonaan shirkada iyo muruqmaalka dekada Berbera.
Kulankan oo ay warbaahintu dibad joog ka ahayd oo shalay ka dhacay hudheelka Maansoor magalada Berbera ee gobolka Saaxil, waxaana halkaasi kulan ku wada yeesheen 12 urur oo matalaya muruqmaalka Dekadda Berbera iyo shirkadda DP Wolrd, waana kulankii ugu horeeyey ee ay wada yeesheen muruq-maalka iyo shirkaddan la wareegaysa dekadda Berbera.
Labadda dhinac ayaa isku afgartay in kulamo kale oo iskugu yimaadaan illaa bisha march 30-keedda oo heshiishka kala saxeexan doonaan, hase yeeshe qaar ka mid ah masuuliyinta ururada dekadda Berbera oo ka qayb galay kulanka ayaa sheegay in shirkadda DP World illa ay qanadraaska arkaan oo garyaaqano la tashadan aanay saxeexi doonin.
“Shuruudihii maanan dhamayn way noo socota heshiiska aanu gelayno waa marka ay na tuusaan ayeynu heshiiska wada galayna, iyadoo cidna inoo dhaxayn sida hore ugu ballanay, waxa kale oo usii sheegnay oo hore ugu sheegnay in dowladda dayn u sheeganayno oo wasiiradii hore berigii noo yimid kula shiranay madaxtoyadda Berbera oo aanu waraaqahayaga u dhiibnay oo aanu sheeganay xaqayaga,waxaanu nahay saddex waaxood qaybi waa qaybta dhismaha dekadda Cusub lacagteedda aanu doonayno maadaama dhulkii ay ku wareejiyeen, qaybta kalena waxa ay tahay lacagtii aanu hore u siin jirnay dekadda oo ay xogaa inaga qaaday. Qaybna waa qaybtii xaqa ah oo berigii aanu dekadda ka madax bananayn oo aanu shirkadda gaarka ah aanu ahayn ka dibna aanu ka wareegnay oo heshiiskii ku cad qofkii uu xaq u leeyahay bil xaqa ah iyo bil fasax ah wali waanu ka sugayna,”ayuu yidhii Ciise Cali Hangoole oo u hadlayey muruqmaalka dekadda Berbera.
Dhinaca kale, Maareeye ku xigeenka dekadda Berbera Cabdi Cabdilaahi Xasan Mataan oo goob joog ka ahaa kulankii saraakiisha shirkadda DP World iyo madaxda waaxyaha dekadda ayaa kulanka ku tilmaamay mid si wanaagsan oo labada dhinac is-fahmeen sidii ay u wada shaqayn lahaayeen islamarkaana muddo kooban ay wada dhamaystiri doonnaan heshiiskooda.
warsom2011@gmail.com









