Ciidamadda maamulka Puntland ayaa xabsiga dhigay Nabadoon Cabdulqaadir Axmed Xarrago, oo dhawaan askarta Puntland ku eedeyay in ay jir-dilaan maxaasiibta u xiran eedeymaha Alshabaabnimo.
Nabadoonka, ayaa ka hadlay dhawaan in 7 dhalinyaro ah oo ku jira xabsiyadda si xun loola dhaqmay, waxaana uu ugu baaqay maamulka Puntland in ay saxaan dhaliilaha ay qabaan.
Nabadoon Cabdulqaadir Axmed Xarrago, ayaa saaka ku-waabariistay xabsiga magaaladda ganacsiga ee Puntland ee Boosaaso.
Xabsiyada Puntland waxaa buux dhaafiyay dad looga shakisanyahay Alshabaab iyo Daacish, kuwasoo ciidamadda ay gacanta ku soo dhigeen.
Hay’adda u dagaallanta xuquuqda aadanaha ee loo yaqaanno Human Rights Watch waxaa ay sheegeen in xabsiyada Soomaaliya ku yaala lagu jir-dilo maxaabiista.
warsom2011@gmail.com









