Dabkii Xaley ka Qarxey Suuqa Bakaaraha oo la sheegey in uu geystey Khasaare Baahsan.

0
577

Waxaa lagu guuleysan la’ yahay in damiyo dab xoogan oo saqdii dhexe ee xalay qabsaday qeybo badan oo ka mid ah suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, halkaa oo ay saakay isugu tageen inta badan ganacsatada reer Muqdisho oo ku dadaalaya sidii dabka loo damin lahaa.

Gaadiidka dab damiska ayaa wali awoodi la’ inay damiyaan dabka ka socda Suuqa Bakaaraha, waxaana la sheegay in gawaarida ay la’yihiin meel ay ka galaan, maadaama waddooyinka ay yihiin kuwo ciriir ah.

Gawaari dab damiska ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayaa ku biiray howlaha loogu gurmanayo dabka ka socda Suuqa Bakaaraha.

Dabka ayaa gebi ahaanba baabi’iyay Dhismaha Khaliifa oo ah dhismo ay ku yaallaan Ganacsiyo kala duwan, waxaana uu saameeyay qeybta makiinada saliida, jawaanada, hargaha, maacuunta iyo qeybo kale.

Agagaaraha Sarta Sheekh Cali Dheere ee Suuqa Bakaaraha ayaa saameyn ku yeeshay dabka, iyadoo ganacsiyo kala duwan oo halkaas ku yaalla ay bas beeleen.

Xaalad jahwareer ah ayaa ka jira suuqa, iyadoo dadweyne fara badan ay buux dhaafiyeen suuqa, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya gurmadka loogu jiro daminta dabka.

Ugu danbeyntii, dabka ayaa bilowday wax yar kaddib salaadii subax, waxaana haatan uu socdaa muddo saddex saacadood ka badan, waxaana qiic iyo uuro ka baxaya suuqa laga arkayaa hawada magaalada Muqdisho oo dhan.

warsom2011@gmail.com