Ra’iisul wasiiraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa la kulmay Sarkaalka ugu Sarreeyo Fulinta Bangiga Adduunka,iyagoo ka wada hadlay sidii Bangiga Adduunku u taageeri lahaa horumarinta dalka iyo dawladda Soomaaliya oo xiligan ka soo kabaneysa colaadaha mudada dheer ka jiray.
Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Ms. Kristalina Georgieva ayaa ka wada...
Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka furmy shirka bilaha ee xasilinta Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana shirkan daah furay oo shir guddoominayay wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa.
Waxaa shirka sidoo kala ka qeybgalay xubno ka socda dowlad gobolleedyada, wakiilo ka socda caalamka uu ka mid ahaa ku-...
Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koofur Gableed oo booqasho ku joogay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa si wadajir u muujiyey taageerada ay u hayaan dowladaha Imaaradka iyo Sacuudiya, khilaafka ka taagan wadamada Khaliijka.
Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) oo ay HOL ku booqatay hoteelka Bab...
Machad lagu baranaayo culuunta Shareecada Islaamka ayaa laga furay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kaasi oo loogu magacdary Machadka Shareecada Islaamka ee Lafawayn.
Xaflada furitaanka ayaa ahayd mid siwayn loo soo agaasimay iyadoo ay ka soo qayb qaateen bulshada qaybaheeda kala duwan ee magaalada.
Machadka iyo sababaha loo Aas aasay...
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare wafdi uu horkacayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho halkaa oo siweyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Waare iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho wasiiro, xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka, saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen xubnihii kula tartamay...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan talo-wadaag ah la qaatay qaar kamid ah Ururrada Bulshada Rayidka ah ee ku nool magaalada Muqdisho.
Kulankan oo lagu xoojinaayey xiriirka wada shaqayneed ee Ururrada Bulshada iyo dowladda ayaa xubnaha ka socday Bulshada Rayidka ah waxa ay u soo gudbiyeen Madaxweynaha talooyinkooda ku...
Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in hadda ka dib aan loogu dulqaadan doonin Askarta ciidamada dowladda dilalka dadka rayidka ah.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa amar ku bixiyay in la soo qabto askari ka tirsanaa Ciidamada Ilaalada Waddooyinka, kaasoo shalay qof shacab ah ku dilay...
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya bilaabay diyaarinta mooshin ka dhan ah dowladda Iskutaga Imaaraadka Carabta oo lagu eedeeyay in ay fara gelin ku heyso arrimaha siyaasadda Soomaaliya.
Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu socdo qorshahaasi ku aadan diyaarinta mooshinkaasi oo ay wadaan xildhibaanada...
Guddigii dhawaan guddoonka baarlamaanka Soomaaliya uu u saaray baarista Kiiska Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax iyo go’aankii xukuumada ayaa doortay guddoomiye iyo xogheyn.
Guddiga ayaa guddoomiye u doortay xildhibaan Cali Xoosho, guddoomiye ku xigeenna C/risaaq Cumar Maxamed halka xildhibaan Hani Maxamed Aadan loo doortay xogheyn.
Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan...
Chancellor Angela Merkel ayaa markii afaraad oo isku xigta ku guuleysatay doorashada madaxtinimada dalkeeda sida ay sheegayaan natiijada doorashada ee la shaaciyay.
Boqolkiiba 32.5% ayaa waxaa helay xisbigeeda isbahaysiga muxaafidka ee CDU/CSU, xisbiga Social Democratic ayaa helay boqolkiiba 20% waxana hogaamiyaasha xisbigan ay sheegeen inay mucaarad noqon doonaan.
Hase yeeshee natiijada...

















