Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare wafdi uu horkacayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho halkaa oo siweyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Waare iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho wasiiro, xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka, saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen xubnihii kula tartamay xilka madaxweynaha.
Saraakiisha ku soo dhaweeysay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa taliyaha guud ee hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, taliye ku-xigeenka ciidanka booliiska Jen Mukhtaar Xusseen Afrax iyo Jen Cabdullaahi Xassan Bariise.
Madaxweyne Waare ayaa socdaal ku soo maray qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan halkaa oo uu kulamo kala duwan kula soo qaatay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa oo ay ka wada hadleen sidii loo furi lahaa jidadka isku xira degmooyinka gobolka Hiiraan oo wali qaarkood go’doonsan.
warsom2011@gmail.com








