Monday, August 31, 2026
Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan Bekar ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin caawinaada turkiga uu siiyo Soomaaliya sida gargaarka, caafimaadka, mashaariicda horumarineed iyo kuwa kale. Danjiraha oo ka hadlayey ballan qaadkii uu sameeyey madaxweynaha Turkiga booqashadiisii ugu dambeysay ee Muqdisho uu ku yimid...
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Khamiista maanta ah ay wafdi heer sare ah u direyso gobolka Rakhine ee dalka Myanmar si gargaar bani,aadannimo loo gaarsiiyo dadka ay colaaduhu saameeyeen ee ku harsan gobolka. Afhayeen u hadlay Qaramada Midoonbay oo lagu magacaabo Stephane Dujarric ayaa sheegay in ay rajo weyn ka...
Warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Cadaado looga mamnuucay in ay ka degaan diyaaradaha ka imaanaya Muqidsho, marka laga reebo dyaaradaha hay’adaha Samafalka iyo kuwa AMIOSOM. Madaxweynaha Galmudug ayaa faray dhammaan hay’adaha ay ku socoto warqadan in...
Wasiirka arimaha dibeda Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha dowladda Soomaaliya ku wehlinaya booqashada Sacuudi Arabia ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada ee qaatay mowqifka ka dhanka ah kan dowladda ee la xiriira xiisada Khaliijka. Yuusuf Garaad oo u waramayay Idaacada...
                      Maamul goboleedyada Somalia ayaa ka hor-yimid fara-galin la sheegay in dowladda Somaliya ay ku hayso maamulka Gal-Mudug oo maalin ka hor ay xildhibaanadiisu qaarkood xilka ka xayuubiyeen Madaxweyne Xaaf. War-Murtiyeedkan oo ay si wada jir ah ugu saxiixnaayeen madaxweynayaasha Puntland,Koonfur Galbeed, Hirshabelle,Jubbaland iyo Gal-Mudug ayaa walaac xoogan looga muujiyay habka...
Mudanayaal ka tirsan Labada Aqal ee dowladda oo gaaray magaalada Cadaado ayaa kulan la leh madaxweynaha Galmudug la sheegay in kalsoonida lagala noqday Axmed Ducaalle Geelle Xaaf. Wafdiga tagay Cadaado ayaa waxaa hogaaminaya guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari, waxaana sidoo kale ka mid ah tiro kale oo...
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa si adag uga hadlay fal mid ka mid ah gadiidka ciidamada AMISOM uu u geystay gaari uu watay qof shacab ah. Mid ka mid ah Gaadiidka qafilan ee AMISOM ayaa shalay Isgoyska KM4 ku jiiday gaari qof shacab uu lahaa, iyadoo tallaabadan...
Magaalada Cadaado oo xarun u ah maamulka Galmudug ayaa maanta waxaa lagu wadaa in ay tagaan xildhibaanno ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka, kuwaasi oo deegaan ahaan ka soo jeeda Galmudug. Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegay in maanta Cadaado ay tagayaan xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka kuwaasi...
Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa markii u horeysay Haweenka u ogolaaday haweenka in ay wadi karaan gaadiidka, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Boqor Salmaan ayaa soo saaray wareegto Haweenka u ogolaanaya in la siiyo ruqsadaha wadista gaadiidka. Sacuudi Carabiya ayaa ahaa dalka kaliya ee Adduunka ka mamnuucay Haweenka inay gaadiid...
 Hay'ada DDG oo ka hawal gasha gobolka Sool ayaa tababar soconayay 5 cisho waxaa loo soo xiray 35 xubnood oo loo tababaray xalinta khilaafaadka magaalada Laascaanood. Duqa dagmada Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale ayaa ka qayb qaatay xidhitaanka isagoo sheegay in tababarkan uu ahaa mid loo baahi qabay kuna soo beegmay...