SHan Maamul Goboleed ee ka Jira Soomaaliya oo Si wada jir ah uga Horyimid Xil ka Qaadis la sheegey in Xubno Barlamaan ku dhawaaqeen.

0
648

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maamul goboleedyada Somalia ayaa ka hor-yimid fara-galin la sheegay in dowladda Somaliya ay ku hayso maamulka Gal-Mudug oo maalin ka hor ay xildhibaanadiisu qaarkood xilka ka xayuubiyeen Madaxweyne Xaaf.

War-Murtiyeedkan oo ay si wada jir ah ugu saxiixnaayeen madaxweynayaasha Puntland,Koonfur Galbeed, Hirshabelle,Jubbaland iyo Gal-Mudug ayaa walaac xoogan looga muujiyay habka ay dowladda Somaliya u marayso khilaafka kala dhaxeeya qaar kamid ah maamulada dalka.

“Shanta Madaxweyne waxay walaac ka muujiyeen fara-galinta qaawan ee ku wajahan dowlad goboleedka Gal-Muudg iyo sida dowladda dhexe u maaraynayso is afgaran waaga siyaasadeed ee ka dhashay go’aankii dowladdu ay ka qaadatay khilaafka khaliijka ,kaasi oo saamayn ku yeeshay arimaha dhaqaalaha amniga iyo adeeg-ga bulshada umadda Somaaliyeed ” ayuu lagu yiri warkani.

“Ismaan-dhaafka ka dhashay khilaafka khaliijka awgeed waxaa jira ololeyaal ,abaabulo iyo faragalin toos ah oo ku wajahan madaxweynaha Gal-Mudug, taasi oo ujeedada ka danbaysa ay tahay in madaxweynaha lagu mijaxaabiyo arintan oo ay qayb- ka tahay dowlad-da dhexe sida ay ka markhaati kacayso war-murtiyeedka ay soo saartay wasaarad-da arimaha gudaha oo lagu taageerayo go’aanka aan sharciga ku dhisnayn ee ka soo baxay Cadaado ” ayaa mar kale lagu yiri war-murtiiyeedkan.

Madaxda maamul goboleed-yada ayaa sidoo kale sheegay in ay cabaaraynayaan xilka ka qaadistii lagu sameeyay madaxweynaha Gal-Mudug ,iyaga oo dowladda Somalia ugu baaqay in laga laabto go’aanka ay dowlad-du ku taageertay xilka qaadista Xaaf.

Waxaa kaloo ay ku taliyeen in dowladda Somaliya ay la timaado qorshe midayn kara dalka lagana fogaado wax kasta oo kala qaybin dalka oo ay sheegeen in uu ku jiro xaalado adag oo dhinaca amniga iyo abaarta ah.

“Waxa ay madaxweynayaashu baaq u dirayaan saaxiibada Somalia ee beesha caalamka in arimahan doorka tala bixin ee kaga aadan ka qaataan ” ayaa mar kale lagu xusay war-murtiyeedkan oo ahaa mid si faah-faahsan looga hadlay arimaha Somalia .

Ugu danbayn, waxa madaxda maamulada ay aqbaleen in la isugu yimaado kulan wada tashi ah oo dhawaan uu iclaamiyay madaxweynaha Jubbaland ,kaasi oo lagu dhamaynayo khilaafka soo kala dhex-galay dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe.

warsom2011@gmail.com