Monday, August 31, 2026
Waxaa soo ifbaxaya khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhaxgalay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa C/xakiin Xaaji Cabdullaahi Camey. Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdwali Maxamed Cali Gaas oo todobaadkii hore wareysi siiyay VOA ayaa taageeray shirka Kismaayo ay ku yeelanayaan maamul gobolleedyada dalka, isaga oo sheegay in uu...
Afhayeenka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jublaand Mudane C/naasir Seeraar Maax oo wareeysi gaar ah siiyay shabakadda WARSOM ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay warar ay baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta Soomaalida oo sheegaya in uu baaqday shirkii Kismaayo. Afhayeenka ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay maanta soo gaarayaan wufuuddii ugu...
Weerarradan oo loo adeegsaday Bambooyinka gacanta lagu tuuro ayaa laga bartilmaameedsaday saldhigyo ku yaala degmooyinka Kaaraan iyo Hodan ee gobolka Banaadir. Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in weerarradan ka dhasheen dhaawacyo soo gaaray qaar ka mid ah ciidamadii ku sugnaa saldhigyada la bartilmaameedsaday. Ilaa saddex Askari ayaa ku dhaawacmay Bamba...
Shirweynaha Qaran ee dib-u-eegista dastuurka oo qorshuhu ahaa in uu maanta furmo ayaa dib u dhacay kaddib markii ay ka baaqdeen ka qeybgalka shirka wafuudii la filayay in ay ka yimaadaan maamul gobolleedyada dalka. Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa shaaca ka qaaday in shirka uu...
Wasiirka wasaarada maaliyada Soomaaliya ayaa goob joog ka ahaa munaasabad kooban oo si rasmi ah xilka xisaabiyaha guud ee Qaranka Soomaaliya kula wareegtay marwo Faadumo Cismaan Faarax. Gollaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa shirkoodii Khamiistii aynu soo dhaafnay xilkii Xisaabiyaha guud ka qaaday Axmed Muumin Siraaji oo ku dhawaad mudo shan...
Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in shirka Kismaayo ka furmaya oo ay ka qeybgali doonaan madaxda maamul gobolleedyada dalka ka dhisan waxba u dhimi doonin siyaasada dalka. ‘’ Waxaan rabaa in aan u sheego shacabka Soomaaliyeed, xukuumada federaalka iyo cid kasta oo daneyneysa midnimada ummada...
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Saraakiil iyo Siyaasiyiin ayaa ka qeyb galay salaadda Janaasada ee Marxuum Gen. Maxamed Sheekh Cismaan Badmaceeye oo dhawaan ku geeriyooday dalka Mareykanka. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi u diray eheladda,...
Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo gaaray magaalada Kismaayo ayaa ugu baaqay dhamaan madaxda kale ee maamul goboleedyada in ay shirka ka furmaya kismayo ka soo qeybgalaan. Waxa uu sheegay in shirkaan uu yahay mid muhiim ah islamarkaana looga hadlayo danaha Ummadda Soomaaliyeed sidaas darteedna loo baahan...
Dowlada Mareykanka iyo khubarro kale oo caalami ah ayaa isku raacay in ay u badantahay in Waqooyiga Kuuriya ay maalmaha fooda nagu soo hayo ay tijaabin doonto gantaalkeedi ugu danbeeyay ee ah kuwa riddada dheer. 10-ka Bisha October ayaa waxaa lagu wadaa in dalka Kuuriyada Waqooyi laga xuso, sannad guuradi...
Jimcihii shalay ayaa la sheegay in koox burcad badeed ah laga badbaadiyay markab ganacsi laga lahaa dalka Hindiya oo marayay meel u dhow Gacanka Cadmeed. Saraakiisha howl galka la dagaalanka burcad badeeda ayaa sheegay in la fashiliyay isku day ay illaa 12 ka mid ah burcad badeedka ku doonayeen inay...