Gantaal Kuwa Ridada DHeer oo la Filayo in Dalka Waqooyiga Kuuriya Tijaabiso Maalmaha soo Socda.

0
356

Dowlada Mareykanka iyo khubarro kale oo caalami ah ayaa isku raacay in ay u badantahay in Waqooyiga Kuuriya ay maalmaha fooda nagu soo hayo ay tijaabin doonto gantaalkeedi ugu danbeeyay ee ah kuwa riddada dheer.

10-ka Bisha October ayaa waxaa lagu wadaa in dalka Kuuriyada Waqooyi laga xuso, sannad guuradi 72-aad ee kasoo wareegatay marki la aas-aasay Xisbiga Shaqaalaha ee dalkaasi.

Sidoo kale 9-ka bisha October ayaa ku beegan markii ugu horreysay ee ay Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay gantaalada ridada dheer, sanadki 2009.

Sue Mi Terry oo ah sarkaal horay uga tirsanaan jiray CIA-da Mareykanka ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay mar walbaa tijaabiso gantaalo, xilliyada dalkaasi ay ka jiraan dabaaldagyada Qaran.

Madaxweyne Donald Trump ayaa dhawaan u bixiyay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi naaneysta ah (Ninka Gantaalka).

warsom2011@gmail.com