Wednesday, August 19, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Burundi, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas. Madaxweyne  Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa  ka wada hadli doona xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood  iyo sare u qaadidda...
Ganacsatada Qaadka ee Kenya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay joojiyaan Qaadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya, haddii ay dowladda Soomaaliya sii wado muranka dhinaca sohdinta badda iyo xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal u dhaxeeya. Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa maalinta walba u soo dhoofiya Soomaaliya 50 tan , iyadoo dowladda...
Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in xalay koox burcad Koonfur Africaan ah halkaa ku dileen ganacsade Soomaaliyeed. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Ibraahim ayaa lagu dilay sida wararku sheegayaan xaafadda New Brighton magaalada Port Elizabeth ee Gobolka Eastern Cape. Burcadii dilka ka danbeysay ayaa la sheegay in...
Dowladda Kenaya ayaa lagu waramayaa in ilaa saddex qodob ku xirtay marka hore in ay dowladda Soomaaliya fuliso si xal looga gaaro khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhax-galay. Qodobka Koowaad : - Ayeey Kenya ku sheegtay in dowladda Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan uga saarto qariirada qeybaha xudduud baddeedkeeda ka mid...
War ka soo baxay Wasaarradda arrimaha dibedda Kenya ayaa lagu sheegay in si qaldan loo fasiray tallaabadii ay dib ugu yeereen safiirkoodii Soomaaliya iyo dib ugu noqoshadii dalkiisa safiirkii Soomaaliya ee Kenya oo maanta soo gaaray Muqdisho. Amb. Macharia Kamau oo ah xoghayaha joogtada ah ee Wasaarradda arrimaha dibedda ayaa...
Maxkamadda Darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta xukun dil ah ku riday dhallinyaro ku eedeysnaa dilka Nin ganacsade ah. Abuukar Cabdinuur Jaamac, oo ah guddoomiyaha maxkamadda Darajada koowaad ee gobolka Bari oo ku dhawaaqayey xukunka raggan ayaa sheegay in dhammaan raggan lagu helay dambiyada lagu soo eedeeyay kaddib caddeymo...
Garoonka diyaaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa soo cagadhigatay diyaarad siday Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, kaddib markii dowladda Kenya ay ku amartay in uu dalkiisa dib ugu laabto. Diyaarada siday Danjiraha ama safiirka waxaa la socday Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka soo...
Dowladda Kenya ayaa mar kaliya ku dhawaaqday in ay xiriirka Diplomasi u jirtay dowladda Soomaaliya, iyadoo u yeertay safiirkeedii ka joogay Muqdisho, halka danjiraha Soomaaliya -na ugu baaqday in uu dalkiisa dib ugu laabato. Xiriirka labada dal oo waayadii ugu danbeeyay u muuqday mid sii xoogeysanaya, ayeey dad badanni su’aal...
Wararka ka imanaya degmada Qoryoole ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in xalay dagaal culus uu degmada ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahannada Al-shabaab. Dagaalka  ayaa qarxay kaddib markii ay Al-Shabaab weerareen saldhigyada ay Cidamada Dowladda ku leeyihiin degmadaas,waxaana dad ku sugan degmada Qoryooley ay sheegeen in...
  Cabdinur Sheekh Maxamad Isxaaq oo BBC ku biiray 1989, ayaa haatan ku jira maalmihii ugu dambeeyay ee shaqada BBC-da. ''Markii aan ku soo biiray BBC waxaa igu adkaa qalabka iyo farsamadii lagu shaqeynayey oo ka duwaneyd tii Radio Mogadisho, balse tababar ka dib waa la qabsannay oo waxaa nala baray...