Saraakiil Qaabilsan Amniga Gudaha iyo kuwo Milalateri oo Mucaaradka kala Hadlay Xasiloonida iyo Amniga Dalka.

0
3

Saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha amniga iyo milatariga Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay hoggaamiyeyaal ka tirsan mucaaradka, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka iyo khataro la sheegay inay halis ku yihiin xasilloonida Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay guriga ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa waxaa ka qaybgalay taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Nuur Shuute, iyo siyaasiyiin ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Sida aan xogaha ku helnay, saraakiisha amniga ayaa mucaaradka la wadaagay xog iyo walaac la xiriira qorshayaal la tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin dhinacyo shisheeye, kuwaas oo la sheegay inay khatar ku yihiin amniga iyo xasilloonida dalka.

Hase yeeshee, faahfaahin lagama bixin nooca qorshayaashaas, dhinacyada lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin iyo caddeymaha taageeraya xogta la sheegay.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, gaar ahaan arrimaha wax-ka-beddelka dastuurka, nidaamka doorashooyinka iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ku baaqaya in heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay laga gaaro doorashooyinka, isaga oo ka digaya in aan la qaadin tallaabooyin aan heshiis lagu ahayn oo saameyn ku yeelan kara mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Kulanka ayaa loo arkaa dadaal lagu doonayo in la yareeyo xiisadda siyaasadeed, lana abuuro isfaham u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, iyadoo laga duulayo caqabadaha amni ee dalka ka jira, gaar ahaan dagaalka ay Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin natiijada kulanka iyo in dhinacyadu ay gaareen wax heshiis ah, balse waxaa la filayaa in wada-hadalladani door ku yeeshaan dadaallada lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.