Qaar kamid ah dadka kasoo cararay colaadaha iyo dagaalada sanado ka hor ka qarxay dalka Yemen ee ku jira xeryaha barakacayaasha ee ku yaala magaalada Muqdisho ayaa dalbaday in dib loogu celiyo dalkooda xili ay wali colaad ka taagan tahay wadanka Yemen
Dadkan oo la hadlay warbaahinta ayaa masuuliyiinta dowlada Federaalka iyo Hay’adaha Qaramada midoobay ka codsaday in ay ka shaqeeyaan sidii dalkooda hooyo ay dib loogu celin lahaa.
Waxa ay sheegeen in xaalado nolol xumo ay ku haysato xeryaha barakacayaasha ee ay kaga jiraan magaalada Muqdisho iyagoona sheegay in aysan helin wax daryeel ah.
Magaalooyin badan oo ku yaala dalka ayaa horey u marti geliyay kumanaan qaxooti ah oo kasoo cararay colaadaha ka aloosan wadanka Yemen waxaana dadkan badi la dajiyay xeryo barakacayaal ah iyadoona ay gurmad u sameeyeen Hay’adaha UN-ka dowlada iyo dadka muxsiniinta ah.












